HomeMaqalDhageyso:-Dowladda Somalia oo cadeysay mowqifkeeda Shirka Magalada Kismaayo

Dhageyso:-Dowladda Somalia oo cadeysay mowqifkeeda Shirka Magalada Kismaayo

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daahir Maxamuud Geelee oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa faah-faahin ka bixiyay shirka seddax geesood ah ee u dhexeeyay Madaxda Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya, kaasi oo ka dhacay magaalada Asmara ee dalka Eritrea. Wuxuu sheegay Wasiirka in Madaxda wadamadaan dariska ah ay shirkooda diiradda ku saareen wax […]

- Advertisement -

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daahir Maxamuud Geelee oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa faah-faahin ka bixiyay shirka seddax geesood ah ee u dhexeeyay Madaxda Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya, kaasi oo ka dhacay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Wuxuu sheegay Wasiirka in Madaxda wadamadaan dariska ah ay shirkooda diiradda ku saareen wax wada qabsi iyo sidii ay u yeelan lahaayeen iskaashi buuxa, iyadoo ugu danbayntiina hoggaamiyaasha ay kala saxiixdeen heshiis ka kooban Afar qodob.

- Advertisement -

Sidoo kale intii lagu guda jiray shirka Jaraa’id ayaa Wasiir Daahir Maxamuud Geelle waxaa wax lag weeydiiyey Shirka golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada ku leeyihiin Magaalada Kisamayo waxa uuna sheegay in dowladda ay soo dhaweyneyso shirkaas.

Waxa uu sheegay in Madaxda halkaasi ku shireysa ay yihiin kuwa matalaya Shacabka soomaaliyeed,isla markaana shir ay qabsan karaan mowqifka dowladda Soomaaliyana uu yahay inay soo dhaweeyso,sidoo kalena ay shirar kale oo Waaweyn ay ka dambeyn doonaan.

Dad badan oo siyaasada la socda ayaa aaminsan in Shirka Magalada Kismaayo uu yahay mid caqabado farabadan u keeni kara dowladda Soomaaliya maadaama inta badan Madaxda Shirkaas furitaankiisa ay aad u dhaliileen Madaxda Dowladda Soomaaliya.

- Advertisement -

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya.

Latest stories