HomeWararCiidamo hubeysan oo weeraray Guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Ciidamo hubeysan oo weeraray Guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Sida uu BBC u sheegay Dr Siciid Aadan Cadde oo ka mid ah qoyska madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliya, Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde), “ciidammo Soomaali ah oo si gaar ah u tababaran ayaa soo galay beerta Aadan Cadde ee ku taalla nawaaxiga degmada Janaale laba habeen ka hor, goor habeen-bar ah”.

Wuxuu intaa ku daray in ciidankaas ay wararka ku soo gaareen in ay la socdeen laba dayaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca ee Helikobtarka.

- Advertisement -

“Beerta Aadan cadde meel u dhow ayey ku soo degeen, laakin markii dambe ayey beerta u soo gudbeen, waxayna u sii dhaafeen guri beerta ku dhex yaallay oo uu ku noolaa madaxweynihii hore, Aadan Cabdulle” ayuu yiri.

Dr Siciid oo xilliga uu BBC la hadlayey ku sugnaa Muqdisho wuxuu kaloo intaa raaciyey in loo sheegay askartaas in guriga “uu yahay kii madaxweyne Aadan Cadde, balse ay xoog ku jabiyeen, ayna qateen alaab dhex taallay”.

Wuxuu kaloo intaa ku daray in seddex wiil oo halkaa joogay ay iyagana kaxaysteen.

- Advertisement -

Fiidiyow baraha bulshada la soo dhigay ayaa muujinaya khasaaraha burburka leh ee soo gaaray dhismaha guriga ku dhex yaalla beerta Aadan Cadde ee uu ku noolaa madaxweynihii ugu horreeyey Soomaaliya, tan iyo markii uu siyaasadda ka fariistay.

Beerta iyo gurigaba waxay ka badbaadeen dawladihii dalka soo maray, dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay, iyo Al Shabaab, waana markii ugu horraysay ee la weeraro guri uu leeyahay madaxweyne hore oo Soomaaliyeed.

Wuxuu Dr Siciid Aadan BBC u sheegay in qaybta la jabiyey ee guriga oo ah halkii uu ku noolaa allah u naxariistee madaxweyne Aadan Cadde, aan la degganayn oo ay iska xirnayd, tan iyo markii uu dhintay marxuumku.

Si kastaba Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin weerarka lagu qaaday Hoyga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allaha u Naxariistee Aadan Cabdulle Cismaan.

Latest stories