HomeWararMadaxda Soomaaliya,Ethiopia iyo Eritrea oo shir ku yeelanaya Asmara

Madaxda Soomaaliya,Ethiopia iyo Eritrea oo shir ku yeelanaya Asmara

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Waxaa dhowaan lasoo gunaanadey shirkii FOCAC ee  ka dhacay Magaalada Beijing ee waddanka Shiinaha, laguna saxiixay heshiiska iskaashiga ganacsiga ee Africa-China ee looyaqaan “Road and Belt initiative”, iyo shirkii ka horreeyey ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo waddamada la saaxiibka ah looguna magacdaray “Somali Partnership Forum”, ee bishii Luuliyo lagu qabtay magaalada Brussels. Shirarkaas oo si […]

- Advertisement -

Waxaa dhowaan lasoo gunaanadey shirkii FOCAC ee  ka dhacay Magaalada Beijing ee waddanka Shiinaha, laguna saxiixay heshiiska iskaashiga ganacsiga ee Africa-China ee looyaqaan “Road and Belt initiative”, iyo shirkii ka horreeyey ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo waddamada la saaxiibka ah looguna magacdaray “Somali Partnership Forum”, ee bishii Luuliyo lagu qabtay magaalada Brussels. Shirarkaas oo si buuxda u dhiirrigeliyay in laga wada shaqeeyo xasilloonida iyo isku-furnaanta dhaqaalaha gobalka.

Iyadoo laga duulayo dhiiragelinta shirarka kor ku xusan, ayaa dhowaan la qaban doonaa shir saddex-geesood ah oo dhex mari doona Madaxweynayaasha Somalia, Eritrea, iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia. Shirkaasoo ka dhici doona magaalada Asmara ee waddanka Eritrea 6da-7da bisha September 2018ka.

- Advertisement -

Shirkan waxa uu gogol xaar u yahay sidii la’isugu xiri lahaa xaaladda amni iyo kobaca dhaqaale ee waddamada gobolka oo dhan. Maadaama dunidu hadda u soo jeesatay fursadaha maalgashiga ee Geeska Afrika, waxaa lagama-maarmaan ah in aan door mug leh ka qaadanno isbeddelka iyo horumarka dhaqaale ee ka socda gobolka. Somaaliya waxay diyaar u tahay in ay qaadato doorkii ay horey u lahaan jirtay, iyada oo si firfircooni leh uga shaqeyn doonta ka faa’iideysiga fursaddaha cusub ee iskaashiga gobolka, isu soo dhawaanshaha iyo xallinta khilaafaadka geeska Afrika.

Latest stories