HomeCaalamkaSomalia oo ka faa'iideysaneysa $60ka bilyan ee Shiinuhu u qoondeeyey Afrika

Somalia oo ka faa’iideysaneysa $60ka bilyan ee Shiinuhu u qoondeeyey Afrika

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Waxaa si rasmi ah magaalada Beijing uga furmay Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika oo kulmisay 53 qaran oo Afrikaan ah, Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika. Waddanka Shiinaha, oo ka duulaya xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo xiriirka Shiinaha iyo Afrika ayaa waxa uu ku dhawaaqay Sanduuq horumarineed oo $60 bilyan ah kaasi oo ugu talagalay Afrika. Sanduuqan […]

- Advertisement -

Waxaa si rasmi ah magaalada Beijing uga furmay Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika oo kulmisay 53 qaran oo Afrikaan ah, Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika.

Waddanka Shiinaha, oo ka duulaya xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo xiriirka Shiinaha iyo Afrika ayaa waxa uu ku dhawaaqay Sanduuq horumarineed oo $60 bilyan ah kaasi oo ugu talagalay Afrika.

- Advertisement -

Sanduuqan oo loo qoondeeyey hindisayaasha horumarineed ee Afrika ayaa la filayaa in lagu fuliyo saddex sanno gudahood.

Soomaaliya ayaa dhawaan saxiixday Hindisaha Dhismaha Kaabeyaasha Dhaqaalaha (Belt and Road Initiative), hindisahaas oo fududeenaya isku xirnaanta dalalka iyo horumarka dhaqaale.

Badi hindisayaasha horumar ee sanduuqan ayaa waxa lagu salaynayaa mashaariicda qaybta ka ah Hindisaha Kaabayaasha Dhaqaale.

- Advertisement -

Qaybta horumarinta loogu talagalay ee sanduuqan waxaa kamid ah hindisayaasha isgaarsiinta, kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta, dekadaha iyo tabobarrada.

Soomaaliya waxa ay sidoo kale saxiixday heshiis la xiriira sare u qaadidda Iskaashiga Dhaqaale iyo Farsamo ee u dhexeeya Beijing iyo Muqdisho.

Sanduuqan $60 bilyan ah waxa uu ka kooban yahay $15 bilyan oo dayn bilaa dulsaar ah, $15 bilyan kale oo deeq ah, $20 bilyan oo dayn ah, iyo 5 bilyan oo lagu taageerayo badeecadaha laga soo dhoofiyo Afrika.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Xi Jinging, wadahadalladii ay yeesheen ka hor intaanu dhicin shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika, waxa ay isla garteen in la xoojiyo xiriirrada dhaqaale iyo in la iska kaashado hindisayaasha horumarka.

Soomaaliya waxa ay dadaal ku bixinayaaa helidda maalgelin horumarineed iyo maalgashi shisheeye si ay u gaarto yoolalka horumarka, ugana faa’iideysato halka ay kaga taallo Geeska Afrika oo ah meel Istiraatiiji ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories