HomeWararSawirro:-Tababarka tababarayaasha Waxbarashada Madaniga ee dib-u-eegista Dastuurka oo la soo gabagaboobay

Sawirro:-Tababarka tababarayaasha Waxbarashada Madaniga ee dib-u-eegista Dastuurka oo la soo gabagaboobay

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle waxaa ku soo gabagaboobay tababarka tababarayaasha Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka kasoo qabashadiisa ay iska kaashteen Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS iyo Wasaaradda Dastuurka iyo Federaalka ee Hirshabelle. Munasabadii xiritaanka tababarka waxaa ka hadlay La-taliyayaal iyo masuuliyiin ka tirsan labada Wasaaradood. Maxamed Bashiir oo ah […]

- Advertisement -

Magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle waxaa ku soo gabagaboobay tababarka tababarayaasha Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka kasoo qabashadiisa ay iska kaashteen Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS iyo Wasaaradda Dastuurka iyo Federaalka ee Hirshabelle.

Munasabadii xiritaanka tababarka waxaa ka hadlay La-taliyayaal iyo masuuliyiin ka tirsan labada Wasaaradood.

- Advertisement -

Maxamed Bashiir oo ah Agaasimaha Qorsheeynta ee Wasaaradda Ariimaha Dastuurka ee XFS ayaa uga mahadceliyay dhamaan ka qeybgalayaashi tababarka sida ay u qaateen tababarka wuxuuna uu ka codsaday in ay tababarka sii gaarsiiyaan dhamaan shacabka ku nool Hirshabeelle.

Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdiraxmaan ayaa soo xiray tababarka isagoo ka qeybgalayaasha kula dardaarmay inay door muuqda ka qaataan howlaha dib-u-eegista Dastuurka.

Ugu dambayn, dhamaan ka qeybgalayaashi tababarka ee ka kala socday Bulshada Rayidka iyo hay’adaha dowladdda ee Hirshabeelle ayaa la gudoonsiiyay shahaadooyin muujinayay inay qaateen tababarka tababarayaasha Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka.

- Advertisement -

Latest stories