HomeCaalamkaMadaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Safiirka Qatar oo ku kulmay Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Safiirka Qatar oo ku kulmay Muqdisho

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Safiirka Qatar ee Soomaaliya Ambasaddor Xasan Xamza ayaa maanta waxaa uu hoyga uu ka degan yahay muqdisho ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay. Madaxweyne Xasan oo maalmahaan mas’uuliyiin kala duwan ku qaabilayey hoyga uu ka degan yahay Muqdisho ayaa siweyn u soo dhaweeyey,waxaana dhexmaray […]

- Advertisement -

Safiirka Qatar ee Soomaaliya Ambasaddor Xasan Xamza ayaa maanta waxaa uu hoyga uu ka degan yahay muqdisho ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweyne Xasan oo maalmahaan mas’uuliyiin kala duwan ku qaabilayey hoyga uu ka degan yahay Muqdisho ayaa siweyn u soo dhaweeyey,waxaana dhexmaray kulan aan la shaacin waxyaabihii looga hadlay.

- Advertisement -

Shalay ayaa waxaa hooygiisa ku booqday Xasan Sheekh Maxamuud Wakiilka Qaramada midoobey ee Arrimaha Soomaaliya Michael Keating,waxana Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay inay ka wada hadleen arrimo badan oo xaaladda dalka ku saabsan sida Siyaasada, Amniga, Dhaqaalaha iyo saameeynta dalkeenna ee isbeddellada Geeska Afrika.

Dhawaan ayaa markii uu dalka dib ugu soo laabtay waxa uu sheegay in u kulamo kala duwan la qaadan doono Siyaasiyiinta,Mas’uuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Latest stories