HomeCaalamkaQaban qaabo ka socoto Magalada Kismaayo iyo Wafdi ku wajahan

Qaban qaabo ka socoto Magalada Kismaayo iyo Wafdi ku wajahan

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa ka socota qaban qaabada Shirka Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada oo lagu wado in Maalinta berito uu halkaasi ka furmo.

Amniga Magalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyey,waxaana Maanta la filayaa inay inta badan tagaan Madaxda Maamul Goboleedyada, Puntland,Koonfur Galbeed,Galmudug iyo Hir-Shabeelle.

- Advertisement -

Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa shirkooda waxa ay uga hadli doonaan khilaafka xilligaan ka dhex jira dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada iyo qodobo kale.

Amniga ayaa Maanta ilaa shalay aad loo adkeeyey,waxaana Gudaha Magalada Kismaayo iyo goobaha ku dhow dhow Xarunta Madaxtooyada lagu arkayaa ciidamo amniga xaqiijinaya.

Shirkaan Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa noqonaya kii Saddexaad oo ay yeeshaan,waxaana kii ugu dambeeyey ay ku yeesheen Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories