HomeCaalamkaDhageyso:-Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay qarixii lagu weeraray Xarunta Maamulka degmada Howl-Wadaag

Dhageyso:-Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay qarixii lagu weeraray Xarunta Maamulka degmada Howl-Wadaag

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Aadan Isaaq oo shir jiraa’id qabtay ayaa faah-faahin ka bixiyay Khasaaraha ka dhashay qarax Ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay Xarunta  degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir. Mudane Xildhibaan Aadan Isaaq,Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa marka hore ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay qaraxa ka […]

- Advertisement -

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Aadan Isaaq oo shir jiraa’id qabtay ayaa faah-faahin ka bixiyay Khasaaraha ka dhashay qarax Ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay Xarunta  degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Mudane Xildhibaan Aadan Isaaq,Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa marka hore ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay qaraxa ka dhacay  Xarunta degmada Howlwadaag saameena ku yeeshay xarun Dugsi Qur’aan,Masaajid (Beytka Allaah).

- Advertisement -

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun,Dowladda Soomaaliyeed waxay ka tacsiyadeyneysaa Falkii guracanaa ee Ururka argagixisada Al-Shabaab maanta ay ku beegsadeen xarun Dugsi Qur’aan,Masaajid iyo xarun Bulshada loogu adeego,xaqiiqdii ficilkaasi wuxuu tusaale u yahay siday uga go’aan tahay argagixisada Al-Shabaab dabar goynta shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta.

Sidoo kale,Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya wuxuu tilmaamay in laamaha amaanka ay hadda ku howlan yihiin tirakoobka dadkii waxyeelada ka soo gaartay Weerarka ,isla markaana  sida ugu dhaqsiyaha badan warbaahinta ugu soo bandhigi doonaan tirada saxda ah ee waxyeeloowday.

“Dowladda Soomaaliyeed iyo Laamaha ammaanka hadda waxay ku howlan yihiin tirakoobka saxda ahaa sidii loo heli lahaa dadkii halkaasi ku waxyeeloobay halka ay masiibada ka dhacday waxay ahayd Duqsi Qur’aan dhannoo dumay iyo Masaajid dumay,hadda aan idin la hadlayo laamaha ammaanka iyo Saraakiisha caafimaadka waxay ku howlan yihiin tirakoobka saxda ah sidii loo soo saari lahaa, sida ugu dhaqsiyaha badana waan idinkula soo wadaagi doonaa Hadduu Illaah yiraahdo,”

- Advertisement -

Dhanka kale,Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay ka shaqeyneyso sidii cadaada ahayd dhisida Masjidka dumay si loogu tukado salaadda Xigta,looguna gurman lahaa ardayda Dugsi Qur’aanka ee Qaraxa ku waxyeeloobay,wuxuuna carabka ku dhuftay in Dowladda Soomaaliyeed Cisbitaal ay geysay dadkii Weerarka ku dhaawacmay.

Ugu danbeyntii, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta,Mudane Xildhibaan Aadan Isaaq ayaa ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed iney u midoobaan la-dagaalanka  Al-Shabaab.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Latest stories