HomeCaalamkaMadaxweyne Mustafe Cagjar “Ciddaan qancin wayno in ay na xagxagato xorbay u...

Madaxweyne Mustafe Cagjar “Ciddaan qancin wayno in ay na xagxagato xorbay u tahay”

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Madaxweynaha cusub ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumad Cumar ayaa sheegay in uu ku dadaalayo qancinta qofkaste, balse haddii ay taasi suuragali waydo aan cidna loo qabsanaynin “xagxagashadiisa”.

Madaxweynaha ayaa barta uu Facebook ku leeyahay ku soo qoray “Dadku inay cawdaan, cagajugleeyaan, car wakaase yidhaahdaan waa wax ilaahay lagu mahadiyo iyo xoriyad inoo soo korodhay. Waa bilawgii hanaanka dimooqraadiyadda ee aynu u oomaneeyn”.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo ay caasimadda Jigjiga iyo deegaanno kalaba ay ka socdaan shirar iyo kulamo ay qabaa’illadu uga arrinsanayaan sidii ay uga dhex muuqaan lahaayeen xukuumadda cusub.

Waxaa jira walaac laga qabo in dadka qaar ay xoriyadda hadalka u isticmaalaan si aan munaasab ahayn.

Dadka isku qamaamaya oo ku soo badanaya goobaha lagu qaxweeyo ee Jigjiga

“Tobankii sano ee la soo dhaafay way adkayd in aad aragto dhallinyaro is maan dhaafay oo is dagaalaya ama la kala qabanayo, balse hadda meelaha shaaha lagu cabo ee Jigjiga dhallinyaro lagu kala hayo ayaad arki” ayuu yiri Cabdiraxmaan Axmed Xasan oo horay bare uga soo noqday Jaamacadda Haramaya ee dalka Itoobiya, haddana aad ugu dhuun duleela deegaanka maadaama oo uu ka shaqeeya arrimaha samafalka.

Madaxweynaha oo markii xilka loo soo xulay ka hadlaya in aan qofna laga aqbali doonin si xun u adeegsiga xoriyadda hadalka ayaa yiri “ Marka qawaaniinta caalamka iyo midka dalka Itoobiyaba la fiiriyo waa dambi in qof dhaho qabiil hebaloow qabiil hebal ku duul”.

Cabdiraxmaan oo ka hadlaya faa’iidada xoriyadda ayaa sheegay in ay tahay arrin wanaagsan oo xukuumadda ka caawin doonta in ay ogaato dareenka dhabta ah ee shacabka oo wakhti dheer meesha ka maqnaanaa.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories