HomeMaqalDhageyso:-Qarax lala eegtay Gaari ay la socdeen Ciidamo Millateri ah

Dhageyso:-Qarax lala eegtay Gaari ay la socdeen Ciidamo Millateri ah

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Waxaa faah faahino dheeraad ah ka soo baxayaan qarax khasaaro geystay oo Gelinkii dambe ee Maanta Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda lagula eegtay duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Qof ka mid ah dadka deegaanka  Buulaloow ayaa sheegay in Gaariga qaraxa miino lala eegtay uu ka yimid degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose balse […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa faah faahino dheeraad ah ka soo baxayaan qarax khasaaro geystay oo Gelinkii dambe ee Maanta Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda lagula eegtay duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qof ka mid ah dadka deegaanka  Buulaloow ayaa sheegay in Gaariga qaraxa miino lala eegtay uu ka yimid degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose balse markii uu halkaasi marayey ay miinada haleeshay,isla markaana ay ku geeriyoodeen Darawalkii waday Gaariga oo ahaa Askari iyo haweeney la socotay halka laba kale ay ku dhaawacmeen.

- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay,iyaga oo gurmad u fidiyey ciidamadii ku waxyeeloobay qaraxaas,waxana askartii dhaawacantay loo soo qaaday Isbitaalka degmada Afgooye.

Qaraxaan ayaa ku soo aadaya xilli xalay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Hoos Ka Dhageyso Codka mid ka mid ah dadka deegaanka Buulaloow.

Latest stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

As Justin Davis Leaves Mogadishu, Washington Is Asking a Different Question About Somalia

As Justin Davis concludes his tenure as Chargé d’Affaires...

No posts to display