HomeCaalamkaSawirro:-Kenya oo ka hadashay qarax lagu dilay askar Kenyan ah

Sawirro:-Kenya oo ka hadashay qarax lagu dilay askar Kenyan ah

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Wararka ka imaanaya Magalada  Xeebta ah ee Lamu ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Kenya Maanta qarax lala eegtay,isla markaana uu ka soo gaaray khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac

Ciidamada ayaa xilliga qaraxa lala eegnayey waxa ay ku socdaalayeen inta u dhaxeysa deegaanada Kiunga iyo Sankuri ee degmada Lamu Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

- Advertisement -

Afhayeen u hadlay Ciidamada Kenya oo lagu Magacaabo Colonel Paul Njuguna ayaa waxa uu sheegay in qaraxaas oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ah ay ku geeriyoodeen 5 ka mid ah Ciidamada Booliska Kenya halka 10 kale ay ku dhaawacmeen kuwaas oo loo qaaday Isbitaalka Magalada Lamu.

Waxa uu sheegay in qaraxaas ay ka dambeeyaan Al-Shabaab balse ay iyagu wadaan baaritaano ku aadan dadkii qaraxaasi ku lugta lahaa,waxana sawiro la soo qaaday lagu arkayey Gaari nooca ciidamada qaada ee Uuralka ah oo qaraxa ku bur buray.

Al-Shabaab ayaa inta badan waxa ay qaraxyo iyo weeraro ka geestaan deegaano ka mid ah Gobolka Waqooyi bari dalka Kenya,waxaana dowladda Kenya ay sheegtay inay sameyn doonto qorsho ay uga hortageyso.

- Advertisement -

Latest stories