HomeWararFaah faafhin:Dagaal Caawa ka dhacay Magalada Marka

Faah faafhin:Dagaal Caawa ka dhacay Magalada Marka

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Warar dheeraad ayaa ayaa ka soo baxaya dagaal geystay khasaaro oo Caawa dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya ku dhexmaray Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose. Dagaalka ayaa yimid kadib markii rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay Magalada ka weerareen dhinaca xigta Jilibka Marka ee Xeebta ah,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal  […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ayaa ayaa ka soo baxaya dagaal geystay khasaaro oo Caawa dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya ku dhexmaray Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay Magalada ka weerareen dhinaca xigta Jilibka Marka ee Xeebta ah,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal  mudo Saacad ku dhow socday.

- Advertisement -

Dadka ku nool Marka Dalsan waxa ay u sheegeen in ay maqlayeen dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan oo ay isku adeegsanayeen labada dhinac ee dagaalamayey balse aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay.

Mas’uuliyiinta Maamulka Magalada Marka iyo saraakiisha Ciidamada Guutada 14-ka October oo dhawaan la wareegay Magalada weli kama hadlin dagaalkaas Caawa ka dhacay Magalada Marka.

Wararkii u dambeeyey.ee haatan naga soo gaaraya Magalada Marka ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana dadka badi ay yihiin kuwo Guryahooda ku xarooday.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories