HomeWararWarar dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal ka socda duleedka Dhuusamareeb

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal ka socda duleedka Dhuusamareeb

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo u dhaxeeya laba Maleeshiyo beeleed kaas oo lagu soo waramayo inuu ka socdo deegaan duleedka ka ah degmada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa waxa uu ka socdaa deegaanka  Qalaan-qalle ee duleedka Dhuusamareeb,waxana dadka deegaanka ay sheegeen in dagaalka uu yahay mid hubka noocyadiisa […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo u dhaxeeya laba Maleeshiyo beeleed kaas oo lagu soo waramayo inuu ka socdo deegaan duleedka ka ah degmada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa waxa uu ka socdaa deegaanka  Qalaan-qalle ee duleedka Dhuusamareeb,waxana dadka deegaanka ay sheegeen in dagaalka uu yahay mid hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsanayo.

- Advertisement -

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in dagaalkaas uu sababay oo labada dhinac kala gaaray.

Sidoo kale qaar ka mid ah dadka deegaanka Qalaan-qalle ee duleedka Dhuusamareeb ayaa waxa ay bilaabeen inay ka barakacaan goobaha lagu dagaalamayo si aysan waxyeelo uga soo gaarin dagaalkaas.

Maamulka Galmudug masuuliyiintooda weli kama hadlin dagaalkaas u dhaxeeya labada beelood ee ka socda deegaan duleedka ka ah Magalada dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Latest stories