HomeCaalamkaDad lagu dilay Toogasho ka dhacday Florida

Dad lagu dilay Toogasho ka dhacday Florida

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Booliska dalka Mareykanka waxaa ay shegeen in nin ka qeyb-galayay tartanka ciyaaraha Komputarka ee magaalada Jacksonville ee gobolka Florida uu toogtay labo qof, afar iyo toban kale uu dhaawacay.

Ninka looga shakiyay inuu weerarka geystay oo la rumeesanyahay isna inuu dhintay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay David Katz.

- Advertisement -

Toogashada ayaa ka dhacday dhismo caan ku ah madadaallada oo ku yaal jiinka webi mara bartamaha magaalada Jacksonville.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ninka weerarka geystay uu ka carooday qaabka ay u socotay ciyaar video ah oo computerka lagu dheelo.

Toogashada ayaa dhacday xilli internet-ka toos looga daawanayay daamaashaad meesha ka socday, waxaana la maqlayay rasaasta iyo dad qeylinaya.

- Advertisement -

Duqa magaalada Jacksonville, Lenny Curry, ayaa toogashada ka dib warbaahinta u sheegay in magaalada ay la murugooneyso toogashada dhacday.

Weerarro badan o noocaan ah ayaa sanadihii dambe ka dhacay gobolka Florida.

Horraantii sanadkan ayay ahayd markii wiil 19 jir ah uu rasaas ku furay iskuul uu dhigan jiray oo ku yaal magaalada Parkland, halkaasi oo uu ku dilay 17 arday iyo qof shaqaale ka ahaa iskuulka.

Latest stories