HomeWararShir ku saabsan adkeynta Xaduudaha dalka oo Muqdisho ka furmay

Shir ku saabsan adkeynta Xaduudaha dalka oo Muqdisho ka furmay

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay shir looga hadlayo wada shaqeynta hey’addaha ka howlgala albaabada Dalka laga soo galo ama looga baxo sida; Xuduudaha dhulka, Garoomada diyaaradaha iyo Dekadaha. Shirka oo furitaankiisa goob joog ay ka ahaayeen mas’uuliyiin kala duwan ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa sida ugu muhiimsan ee […]

- Advertisement -

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay shir looga hadlayo wada shaqeynta hey’addaha ka howlgala albaabada Dalka laga soo galo ama looga baxo sida; Xuduudaha dhulka, Garoomada diyaaradaha iyo Dekadaha.

Shirka oo furitaankiisa goob joog ay ka ahaayeen mas’uuliyiin kala duwan ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa sida ugu muhiimsan ee lagu adkeyn karo xiriirka wada shaqeyneyd ee ka dhaxeeya dhammaan hey’adaha ka howlgala meelaha wadanka laga soo galo.

- Advertisement -

Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, gaashaanle sare Maxamed Aadan Koofi ayaa sheegay in u jeedka kulanka ay tahay helitaanka iskaashi buuxa oo dhex mara dhammaan laamaha howshoodu tahay albaabada dalka  laga soo galo ama looga baxo.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir, Taliyaha Ciidanka booliiska Soomaaliya, sareeyo gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga, Mudane Maxamuud Maxamed Boonow iyo mas’uuliyiin kale.

Latest stories