HomeCaalamkaKalluumeysato ka cabanaya Maraakiibta Shisheeye ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya

Kalluumeysato ka cabanaya Maraakiibta Shisheeye ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Kalluumeysatada magaalada Berbera ayaa xiligan xagaaga ee ay dabeyshu dhaceyso ka cabanayaan dhibaato ay shegeen inay doonyahooda kala kulmaan dabeysha iyo Maraakiib Shisheeye. Kalluumeysatadan ayaa sidoo kale sheegay in marka ay badda ku yara fogaadaana shabaaktii ay ku soo jillaabanayeen kalluunka ay ka jiiraan maraakiibta waaweyn ee ajanabiga. Qaar ka mid ah kalluumeysatada ayaa waxa […]

- Advertisement -

Kalluumeysatada magaalada Berbera ayaa xiligan xagaaga ee ay dabeyshu dhaceyso ka cabanayaan dhibaato ay shegeen inay doonyahooda kala kulmaan dabeysha iyo Maraakiib Shisheeye.

Kalluumeysatadan ayaa sidoo kale sheegay in marka ay badda ku yara fogaadaana shabaaktii ay ku soo jillaabanayeen kalluunka ay ka jiiraan maraakiibta waaweyn ee ajanabiga.

- Advertisement -

Qaar ka mid ah kalluumeysatada ayaa waxa ay sheegeen in xilligaan ay ka kalluumeystaan inta u dhaxeysa berbera iyo Magalada lughaye balse ay weli dareemayaan dabeylo xoogan.

Sidoo kale kalluumeysatada ayaa waxa ay sheegeen in markii ay badda ku sii fogaadaan ay la kulmaan Maraakiib Shisheeye,kuwaas oo ay sheegeen inay jarayaan shabaaktii ay ku kalluumeysan lahaayeen.

Madaxda ugu sareysa Maamulka Soomaaliland ayaa waxa ay ka codsadeen in ay waxka qabtaan dhibaatooyinka ay ku hayaan maraakiibta Shisheeye xilliga ay ku guda jiraan kalluumeysiga.

- Advertisement -

Inta badan kalluumeysatada  Soomaaliyeed ayaa waxa ay ka cawdaan maraakiibta Shisheeye ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya,waxaana maraakiibtaas ay sheegaan inay la dagaalamayaan Kooxaha Burcad Baddeeda Soomaalida.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories