HomeWararAxmed Madoobe oo amar ku bixiyey in la soo xiro Ciidamo ka...

Axmed Madoobe oo amar ku bixiyey in la soo xiro Ciidamo ka tirsan Maamulkiisa

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Kadib kulan deg deg ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa qodobadii looga hadlay waxaa ka mid ahaa weerarkii ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Jubbaland ku qaadeen Xarunta Ciidanka Nabadsugida Jubbaland ee ku taalla Magalada Kismaayo. Madaxweynaha dowlad Goboleedka jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo kulanka ka hadlay ayaa waxa uu amar ku […]

- Advertisement -

Kadib kulan deg deg ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa qodobadii looga hadlay waxaa ka mid ahaa weerarkii ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Jubbaland ku qaadeen Xarunta Ciidanka Nabadsugida Jubbaland ee ku taalla Magalada Kismaayo.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo kulanka ka hadlay ayaa waxa uu amar ku bixiyay in  la xiro Ciidamo ka tirsan Daraawiishta jubbalanka oo uu ku sheegay in weerar ay ku qaadeen xarunta Ciidamada nabadsugida jubbland,isla markaana  ay kala baxeyn Askari iyaga ka tirsan,kadiba halkaasi uu ka dhacay dagaal.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay in qaar ka mid ah Askartaas xiranyihiin ,isla markaana sharciga la marsiin doono.

Ugu dambeyn waxaa haatan Wararka aan heleyno ay sheegayaan in xal laga gaaray khilaafkii ka dhashay weerarkii lagu qaaday Xarunta Ciidanka Nabadsugida Jubbaland ee Magalada Kismaayo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories