HomeCaalamkaKenya oo xirtay Askari looga shakiyey in uu la Shaqeeyo Al-Shabaab

Kenya oo xirtay Askari looga shakiyey in uu la Shaqeeyo Al-Shabaab

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Ciidamada Booliska Kenya ayaa waxa ay xireen Askari ka tirsan Ciidanka (General Service Unit) oo loo soo gaabiyo GSU, kuwaas oo ah booliska sida Millateriga u tababaran. Askariga oo lagu Magacaabo Georgy Karutha Githaiga ayaa saraakiisha Ciidamadu waxa ay sheegeen in uu doonayey in uu si dhuumaaleysi ah ugu baxsado Gudaha dalka Soomaaliya,sidaasina lagu xiray. […]

- Advertisement -

Ciidamada Booliska Kenya ayaa waxa ay xireen Askari ka tirsan Ciidanka (General Service Unit) oo loo soo gaabiyo GSU, kuwaas oo ah booliska sida Millateriga u tababaran.

Askariga oo lagu Magacaabo Georgy Karutha Githaiga ayaa saraakiisha Ciidamadu waxa ay sheegeen in uu doonayey in uu si dhuumaaleysi ah ugu baxsado Gudaha dalka Soomaaliya,sidaasina lagu xiray.

- Advertisement -

Xilliga la xirayay ayaa waxa  uu ku sugnaa Magalada Mandheera,waxana shalay uu ka soo muuqday Maxkamad,isaga oo been abuur ku tilmaamay in uu baxsad u ahaa Soomaaliya.

Hay’adaha Amaanka Kenya ayaa waxa ay sheegeen in Georgy Karutha Githaiga uu doonayey in uu ku biiro dagaalamayaasha Al-Shabaab,balse ka hor uu booqday dhammaan Xarumaha Ciidamada GSU ee Magaalooyinka Lamu,Nairobi, Garissa, Voi, Mandheera,Ceelwaaq,Malindi iyo Garsen.

Ugu dambeyn Kennedy Amwayi oo ah Sarkaal ka tirsan laanta la dagaallanka Argagixisada dalka Kenya ayaa ka hor yimid codsi ah in askarigaas damiin lagu siidaayo,waxana uu dalbaday in Xabsiga lagu sii haayo.

- Advertisement -

Si kastaba ciidamada Amaanka Kenya ayaa xilligaan waxa ay yihiin kuwo ka feejigan falal amndaro e ka dhaca dalkaas,maadaama mararka qaar ay weeraro ka geystaan Al-Shabaab.

Latest stories