HomeCaalamkaHadal uu sheegay Ciyaar yahan Messi oo sababay in Masuul Shaqada looga...

Hadal uu sheegay Ciyaar yahan Messi oo sababay in Masuul Shaqada looga joojiyo

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Xiriirka kubadda adduunka ayaa muddo 12 bilood ah shaqada laga hakiyay madaxa xiriirka kubadda cagta Falastiiniyiinta kaddib markii uu ugu baaqay tageerayaasha Falastiin inay dab qabadsiiyaan funaanadaha iyo sawirrada cayaaryahan Lionel Messi. Jibriil Rajoub ayaa lagu ganaaxay inuu bixiyo 15,826 Gini islamarkaasna la sheegay inuu jeediyay hadalo kicin iyo rabshado dhalin karo ka hor cayaartii […]

- Advertisement -

Xiriirka kubadda adduunka ayaa muddo 12 bilood ah shaqada laga hakiyay madaxa xiriirka kubadda cagta Falastiiniyiinta kaddib markii uu ugu baaqay tageerayaasha Falastiin inay dab qabadsiiyaan funaanadaha iyo sawirrada cayaaryahan Lionel Messi.

Jibriil Rajoub ayaa lagu ganaaxay inuu bixiyo 15,826 Gini islamarkaasna la sheegay inuu jeediyay hadalo kicin iyo rabshado dhalin karo ka hor cayaartii saaxibtinimo ee dhex mari lahayd xulka Argentina iyo Israa’iil bishii June taaso baaqatay.

- Advertisement -

Madaxa xiriirka kubadda cagta Falastiin Rajab hadda kama qayb geli doono tallaabo kasta oo ku lug leh cayaaraha.

Bishii June ayay ahayd markii wasiirka arrimaha dibadda Argentina Jorge Faurie uu sheegay inuu rumaysanaa in xulkiisa qaranka aysan ku rajo waynayn inay la cayaaraan xulka Israa’iil.

Markii la hakiyay, xiriirka kubadda cagta Falastiiniyiintu waxay soo saareen bayaan ay uga mahad celinayan Messi iyo cayaartoyda kale.

- Advertisement -

Rajoub ayaa shir saxaafadeed ka sheegay sidatan ” Waxaa dhacay ayaa umuuqda in adduunka uu kaar cas uu taagay Israa’il.

Wuxuu horaan ku eedeeyay Israa’iil in kubadda ay u adeegsanayso arrimo siyaasadeed.

Xiriirka kubadda cagta Israa’iil ayaa wacad ku maray in Rajoub iyo xiriirka kubadda cagta Falastiiniyiinta lala xisaabtami doono.

Latest stories