HomeCaalamkaWeerar lagu qaaday hoyga Madaxweynihii hore ee dalka Argentin

Weerar lagu qaaday hoyga Madaxweynihii hore ee dalka Argentin

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Ciidamada booliska ee waddanka Argentina ayaa billaabay in ay dabagal ku sameeyaan hantida ay leedahay madaxweynihii hore ee dalkaas Cristina Fernández de Kirchner, kaasoo qeyb ka ah howlgal lagu baarayo musuqmaasuq baahsan.

Seynisyahanno ku xeel dheer dhinaca baarista dambiyada, Eeyo carbisan iyo cutubyo ka tirsan waaxda dab damiska ayaa ka qeyb qaatay weerar gaadmo ah oo lagu qaaday labo guri oo ay haweeneydi horay madaxweynaha uga ahaan jirtay dalkaas ku leedahay magaalooyinka Buenos Aires iyo Patagonia.

- Advertisement -

Howl galkan ayaa billowday kaddib markii garsoore maxkamadeed oo lagu magacaabo Claudio Bonadio uu dalbaday in xasaanaadda qeyb ahaan laga qaado Ms Fernández si ay u fududaato in lagu sameeyo baaritaannada la xiriira musuqmaasuqa jiray intii ay madaxweynaha ahayd.

Ms Fernández ayaa dhankeeda beenisay in ay wax khaldan sameysay.

Khudbad ay isku difaaceysay oo ay jeedisay maalintii Arbacada ayay haweeneydaan oo hadda xubin ka ah aqalka odayaasha ku sheegtay in baaritaannada socda ay yihiin “Wax laga xishoodo”.

- Advertisement -

Waxay sidoo kale ka cabatay in ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee loo doortay aqalka odayaasha oo haddana baaritaanno lagu sameynayo.

Siyaasiyaddaan ayaa leh xasaanad ka hor istaageysa in xabsiga loo taxaabo hase ahaatee waxaa bannaan in dacwad lagu soo oogi karo.

Laakiin iyadu waxay aqbashay in laga xayuubiyo xasaanadda si loo xaqiijiyo hantideeda, waxaana ay saaxiibbadii la shaqeyn jiray ku boorrisay in ay isla sidaas oo kale sameeyaan.

Tallaabada ay booliska qaadeen Khamiistii ayaa ka dambeysay markii ay dhawaan soo baxday fadeexad la xiriirta macluumaad uu gudbiyay nin darawal ah oo lagu magacaabo Oscar Centeno, kaasoo muddo 12 sano ah u shaqeynayey dowladda.

Mr Conteno ayaa sheegay in uu qaadi jiray boorsooyin lacag laga buuxiyay oo loogu dhiibi jiray saraakiil kale oo dhinaca dhismaha u qaabilsan dowladda, waxaana lacagahaas ay dacwad oogayaasha ku qiyaaseen in ay gaarayaan $160m (£125m).

Wuxuuna intaa uu ku daray in lacagahaas qaarkood ay haweeneyda madaxweynaha ahayd gacanteeda ugu dhiibtay mar ay ku sugneyd xaruunta madaxtooyada iyo mar ay ku sugneyd guri ay isla lahaayeen iyada iyo seygeedii dhintay ee lagu magacaabi jiray Néstor Kirchner.

Balse dhammaan eedeymahaan ayaan wali wax caddeymo ah loo helin.

Tobannaan ruux oo isugu jira ganacsato iyo saraakiil horay uga tirsanaa xukuumadda ayaa loo xiray baaritaannada ku saabsan arrimahaan.

Ms Fernández ayaa sheegtay in ay iyadu tahay qof aan waxba galabsannin oo lagu dhibaateyno sababo salka ku haya siyaasad.

Latest stories