HomeCaalamkaRa'iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Cusub ee DDSI oo Maanta kulmaya

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Cusub ee DDSI oo Maanta kulmaya

Date:

Related stories

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...
- Advertisement -

Ra’isulwasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa la filayaa in maanta oo Jimco ah in uu la kulmo madaxweynaha cusub ee Dowlad Deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Xibsiga haya talada Gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa maalin ka hor madaxweyne u doortay Mustafe Muxumed Cumar oo si rasmi ah u baddalay madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar.

- Advertisement -

Kulanka ayaa waxa ay intiisa badan uga hadli doonaan,warbixino Guddiga fulinta Golaha dimuqraatiga Shacabka Soomaalida  Itoobiya ay u gudbin doonaan Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo caqabadaha ka jira dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

In ka badan laba Kun oo qof oo ka mid ah hogggaanka Siyaasada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa goobjoog ka noqon doonaan kulanka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweyne Mustafa Muxumed Cumer.

Dhinaca kale Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in hoggaanka Siyaasada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay dib ugu soo laabtaan deegaanadooda,si ay u sii amba qaadaan Shaqooyinkooda,iyaga oo hadda ku sugan Magalada Adis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories