HomeCaalamkaWarshad hub sharci darro ah lagu sameeyo oo laga helay Ingiriiska

Warshad hub sharci darro ah lagu sameeyo oo laga helay Ingiriiska

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Koox dambi baareyaal ah ayaa helay wax ay ku sheegeen warshad “si casri ah” u farsameysa hub sharci darro ah oo si qarsoodi ah ugu taallay goob ay warshado badan ku yaallaan. Labo qori oo kuwa gacanta lagu qaato ah iyo rasaas ayey ciidanka ka soo heleen halkaas iyagoo xabsiga u taxaabay saddex nin oo […]

- Advertisement -

Koox dambi baareyaal ah ayaa helay wax ay ku sheegeen warshad “si casri ah” u farsameysa hub sharci darro ah oo si qarsoodi ah ugu taallay goob ay warshado badan ku yaallaan.

Labo qori oo kuwa gacanta lagu qaato ah iyo rasaas ayey ciidanka ka soo heleen halkaas iyagoo xabsiga u taxaabay saddex nin oo ku sugnaa warshaddaas ku qarsooneyd xaafadda Diplocks oo ka tirsan magaalada Hailsham ee bariga Sussex.

- Advertisement -

Hay’adda la tacaasha dambiyada ee qaranka ayaa sheegtay in goobtaas laga soo qabtay qalab la rumeysan yahay in uu ahaa mid lagu farsameeyo hubka, oo xitaa loo adeegsan karo in lagu soo saaro hub culus oo saameyn xun geysan kara.

Saddexda nin ee la soo xiray ayaa baaritaanno lagu sameyn doonaa ilaa 17-ka bisha Siteembar, ka hor inta aan lagu qaadin dacwado la xiriira sameynta iyo heysashada hub sharci darro ah.

Dambi baareyaasha ayaa warshaddaas arkay Sabtidii xilli ay tageen dhismahaas oo lagu qabanayay siminaar loogu tala galay injineerro.

- Advertisement -

Saraakiisha hay’adda NCA ayaa sheegay in ciidanka howlgalkaas fuliyay ay awood u adeegsadeen soo qabashada raggaas oo mid ka mid ah uu ka madax adeygay in la xiro.

Dhismahaas ayaa horay loogu diiwaan geliyay in uu yahay xarun ganacsi oo lagu iibiyo qeyb ka mid ah qalabka gaadiidka.

Hase yeeshee ciidanka goobtaas gaaray ayaa ugu tagay kaliya qalabka mashiinnada ah ee loogu tala galay in hubka lagu farsameeyo iyo hub la soo saaray.

Qalabkaas ayaa sida la sheegay awood u leh inuu soo saaro ilaa 30 qori oo kuwa gacanta lagu qaato ah, kuwaasoo la rumeysan yahay in loo adeegsan lahaa fal dambiyeedyo.

NCA ayaa intaas ku dartay in goobta laga helay qoryo dhowr ah oo ay wali ku socotay farsameynta balse aan dhammeystirneyn.

Rob Hickinbottom, oo ah madaxa waaxda xakameynta hubka ee hay’adda la tacaalidda dambiyada ee NCA ayaa yiri “Waxaan ka shakisannahay in howshaan ay ku jireen dad u muuqda in ay sameynayaan hub sharci darro ah oo dambiyo lagu geysto.

Tallaabadan aan qaadnay waxaan uga hor tagnay in hub fara badan oo saameyn leh lagu soo daayo suuqa madow, isla markaana uu gacanta u galo dambiileyaasha”.

Garsoorka maxkamadda ayaa Isniintii oggolaaday in booliska ay gacanta ku sii hayaan saddexda nin oo lagu kala magacaabo Greg Akehurst oo 29 jir ah, Mark Kinman oo 63 jir ah iyo Bramwell Mews oo 30 sano jir ah.

Raggan ayaa lagu wadaa in ay 17-ka bisha soo socota ee Siteembar mar kale ka soo hor muuqdaan maxkamadda Kingston-upon-Thames Crown Court.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories