HomeCaalamkaSida ay Al-Shabaab ku heleen Tuutihii ugu dambeeyey ee Ciidanka dowladda oo...

Sida ay Al-Shabaab ku heleen Tuutihii ugu dambeeyey ee Ciidanka dowladda oo la shaaciyey

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Baraha bulshada ayaa waxaa lagu faafiyay sawirro la sheegay in laga soo qaaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab oo ciiddii shalay ku soo bandhigay magaalooyinka Jilib iyo Saakoow askartooda oo ku labisan tuutaha milateriga Soomaaliya, iyo gawaari dagaal oo leh astaanta ciidanka milateriga dowladda federaalka. Tuutayaasha sawirka ka muuqday waxay ahaayeen dareeskii milateriga ee ay dawladdu […]

- Advertisement -

Baraha bulshada ayaa waxaa lagu faafiyay sawirro la sheegay in laga soo qaaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab oo ciiddii shalay ku soo bandhigay magaalooyinka Jilib iyo Saakoow askartooda oo ku labisan tuutaha milateriga Soomaaliya, iyo gawaari dagaal oo leh astaanta ciidanka milateriga dowladda federaalka.

Tuutayaasha sawirka ka muuqday waxay ahaayeen dareeskii milateriga ee ay dawladdu siisay guutada 14ka Oktoobar oo ah guuto la sameeyey wixii ka dambeeyey qaraxii Soobbe ee sannadkii hore, oo ay ku dhinteen dad ka badan 500 oo qof.

- Advertisement -

Waxay kaloo Al Shabaab soo bandhigeen gaadiid leh astaamaha gawaarida milateriga ee dawladda Soomaaliya.

Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ka tirsanaa milaterigii hore ee Soomaaliya wuxuu rumaysan yahay in agabka milateriga sida dareeska iyo hubka ay Al Shabaab laba siyaabood ku helaan.

1- Iyadoo aan ciidamada dawladda Soomaaliya la siinin mushaar joogto ah, ayna leeyihiin carruur iyo xaasas, sidaa darteedna ay duruufta nolosha ee ku xeeran ku khasbayso inuu askarigu reerkiisa u helo nolol, oo uu suuqa geeyo wixii uu hayo.

- Advertisement -

2- In Shabaab ay ka furtaan darees iyo hub ciidanka dawladda.

Isagoo arrintaas sii adkaynaya ayuu yiri “ka furashadu laba iyo seddex kaliya ma ah ee guutooyin dhan ayey wax ka qaadanayaan. Marka la tababarayo waxaa la yiraahdaa ‘ dharkiinii iyo kabihiinii iyo qalabkiinii cadawga ayaa haysta ee ka doonta’ waana ka doonteen, waana helaan oo waa kuwaas aad sheegayso”.

Isagoo ka hadlayey waajibka ka saaran dawladda ilaalinta qalabka ciidanka ayuu Jeneraal Galaal sheegay in dawladdu “aysan hagar ku jirin”, hase yeeshee wuxuu qabaa in “madaxda rayidka ah aysan lahayn aragti milateri, dadka ay u yeertaanna wax dhaaxaa ma dhaamaan, ceeb ayeyna u arkaan in wixii aysan aqoon ay dadka weydiiyaan” ayuu yiri Jeneraal Galaal.

Arrintan ayaa timid ayadoo madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo la ciidayey ciidanka milateriga uu ka codsaday in aysan “dareeskooda suuqa ku iibin”.

Dhowr goor oo hore oo weerarro is qarxin ah iyo kuwo toogasho ah ay ka dheceen goobo ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegayey in ay ka dambeeyeen dabley ku labbisan dareeska milateriga Soomaaliya, waxaana la is weydiinayey oo jawaab loo la’aa sida, dableydaas oo aan ka tirsanayn milateriga, ay ku helaan dareeska ciidanka.

BBC SOMALI

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories