HomeCaalamkaGaadiidleyda Nairobi oo maanta shaqa joojin sameeyey

Gaadiidleyda Nairobi oo maanta shaqa joojin sameeyey

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Milkiilayaasha gaadiidka caasimada Nairobi ayaa maanta waxa ay ku dhaqaaqeen Shaqa joojin taasi oo ay uga cabanayaan canshuurta lagu soo rogay shidaalka. Waaxda keyd haynta ayaa qorshaynaysa in ay dhaqangaliso boqolkiiba 16 ah canshuur dheeraad ah oo la saarayo shidaalka , waxaana arrintani ay taabagal noqonaysaa 1 bisha September ka dib markii horey muddo labo […]

- Advertisement -

Milkiilayaasha gaadiidka caasimada Nairobi ayaa maanta waxa ay ku dhaqaaqeen Shaqa joojin taasi oo ay uga cabanayaan canshuurta lagu soo rogay shidaalka.

Waaxda keyd haynta ayaa qorshaynaysa in ay dhaqangaliso boqolkiiba 16 ah canshuur dheeraad ah oo la saarayo shidaalka , waxaana arrintani ay taabagal noqonaysaa 1 bisha September ka dib markii horey muddo labo sano ah dib loo dhigay.

- Advertisement -

Ururka ay ku bahaabeen gaadiidleyda ayaa ku amray darawalada iyo shaqaalaha gawaarida dadwaynaha in ay gawaaridooda ku gooyaan wadooyiinka ayna isaga tagaan si ay cabashadooda u muujiyaan.

Dibed bax ay dhigayaan ayaa la filayaa in uu socdo saddex saacadood, laga bilaabo maanta 7:30 aroornimo ilaa 10:30 barqanimo.

Waa xilliyada ugu mashquulka badan waddooyinka Nairobi, waaxana ay saameyn weyn arrintaan ku yeelan doontaa boqolaal qof oo u kala goosha goobo kala duwan oo ka tirsan caasimadda.

- Advertisement -

In shidaaladka la canshuro boqolkiiba 16 ayaa keentay cadaadis ay hay’adda lacagta aduunka ay ku soo roogtay kenya laba sano ka hor.

Balse Dhaqaalaha wadanka ayaa hoos u sii dhacay ,taasi oo saameyn weyn ku yeelatay miisaaniyadda wadanka,Waxaa sidoo kale sare u kacay qarashaadka shidaalka ee wadanka

Markii hore waxaa la saadaalinaayay in dowladda boqolkiiiba lix iyo tobanka canshuurta ah ay qasnadda dowladda soo geli doonto 710 milyan oo doolar oo dheerad ah.

Markii uu dhaqan galo sharciga canshuurta gaadiidleeyda ku dhaqan magaalada Nairobi ayaa la filayay in ay halkii litre ee shidaal ah ku iibsadaan hal doolar iyo bar.

Gudoomiya gaadiidleeyda kenya Peter Murima ayaa sheegaya in isbedlkan uu sameyn doono guud ahaan qiimaha noolasha reer Kenya.

Si kastaba ha ahaatee booliska ayaa sheegay in  cid walba oo ka qeyb qaadata dibad baxa la qorsheeyay tallaabo adag laga qaadi doono.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories