HomeWararWaqtiga uu furmayo Kal-fadhiga 4aad ee Baarlamaanka oo la shaaciyey

Waqtiga uu furmayo Kal-fadhiga 4aad ee Baarlamaanka oo la shaaciyey

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya ayaa Isniinta Maanta ah waxa uu ku dhawaaqay xilliga rasmiga ah uu dib u furmi doono Kal-fadhiga 4aad ee Baarlamaanka,oo hadda fasax ay ku jiraan Xildhibaannada. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya ayaa lagu sheegay in kalfadhiga 4-aad ee Golaha shacabka uu furmi doono 10-ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya ayaa Isniinta Maanta ah waxa uu ku dhawaaqay xilliga rasmiga ah uu dib u furmi doono Kal-fadhiga 4aad ee Baarlamaanka,oo hadda fasax ay ku jiraan Xildhibaannada.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya ayaa lagu sheegay in kalfadhiga 4-aad ee Golaha shacabka uu furmi doono 10-ka bisha September ee bisha soo socota.

- Advertisement -

Guddoomiye Mursal ayaa Xubnaha Baarlamanka Soomaaliya ee ku maqan dalka dibadiisa ku wargeliyey in ugu dambeyn 5-ta bisha September ee sanadkaan ay dalka ku soo laabtaan si kal-fadhiga 4aad ee  Baarlamaanka uu u furmo.

“Sida aad la socoto furitaanka kalfadhiga 4-aad, ee Golaha shacabka waxaa loo qorsheeyay in la furo 10-ka September 2018-ka, sidaasi daraadeed waxaa dhammaan Xildhibaanada Golaha shacabka laga codsanayaa iney dalka soo galaan ugu danbeyn 5-ta September 2018, diyaarna u noqdaan xil-gudashada uga beegan kalfadhiga 4-aad ee Golaha shacabka,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan.

Si kastaba mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa weli waxa ay ku jiraan fasax dhan Saddex Bilood wallow uu dhamaaday,waxaana intii ay fasaxa ku jireen dalka ka dhacay isbedelo badan sida,Magacaabista Wasiiro iyo taliyeyaal ciidan intaba.

- Advertisement -

Latest stories

No posts to display