HomeWararSawirro:-Qalab Casri ah oo lagu soo kordhiyey Xarunta Hay’adda Dambi baarista (CID)

Sawirro:-Qalab Casri ah oo lagu soo kordhiyey Xarunta Hay’adda Dambi baarista (CID)

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay xarigga ka jaray Xarunta hoggaanka baarista danbiyada (CID) oo dib u dayactir xooggan lagu sameeyay laguna soo kordhiyay qalab casri ah oo ka qayb qaadanaya sugidda amniga iyo ka hor tagga danbiyada abaabulan. Munaasabadda uu Ra’iisul Wasaaruhu ku daah-furay xarunta hoggaanka baarista Danbiyada (CID) […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay xarigga ka jaray Xarunta hoggaanka baarista danbiyada (CID) oo dib u dayactir xooggan lagu sameeyay laguna soo kordhiyay qalab casri ah oo ka qayb qaadanaya sugidda amniga iyo ka hor tagga danbiyada abaabulan.

Munaasabadda uu Ra’iisul Wasaaruhu ku daah-furay xarunta hoggaanka baarista Danbiyada (CID) oo lagu qabtay gudaha xarunta ayaa waxaa kasoo qayb galay gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Wasiirka Amniga, taliyaha booliiska Soomaaliyeed, Gudoomiyaha Gobalka Banaadir, ku-simaha taliyada hoggaanka baarista danbiyada iyo saraakiil kale.

- Advertisement -

Xarunta hoggaanka baarista danbiyada (CID) ayaa lagu dhisay barnaamijka Is-xilqaan ee uu iclaamiyay Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, kaas oo fududaynaya in bulshadu ay dhisato xarumaha muhiimka u ah horumarka dalka, iyada oo dhammaan masu’uuliyiinta kasoo qayb gashay munaasabadda daah-furka ay soo dhaweeyeen in xaruntu ay noqotay xaruntii ugu horeysay ee lagu dhiso Barnaamijka Is-xilqaan.

Xarunta hoggaanka baarista danbiyada waxaa sidoo kale lagu soo kordhiyay qalab casri ah loo adeegsado ka hor tagga qaraxyada iyo fal denbiyeedyada abaabulan kaas oo fududaynaya shaqada hoggaanka baaristu uu uga qayb qaadanayo adkaynta amniga dalka.

Hoggaanka baarista danbiyada oo kamid ah hoggaannada ugu muhiimsan sugidda amniga dalka, ayaa ka masuul ah dhammaan qorshayaasha baaritaanka guud oo ay kamid yihiin kiiska gacan ku dhiiglayaasha iyo qiyaanada qaran, waxaana dib u dayactirka xaruntaan iyo qalabanteeduba ay qayb ka yihiin qorshayaasha lagu hagaajinayo hannaanka sugidda amniga dalka si mawaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan nabad buuxda.

- Advertisement -

Latest stories