HomeCaalamkaSawirro:-Duqa Muqdisho oo la kulmay Guddiga qaban-qaabada Carwada Buugaagta Muqdisho

Sawirro:-Duqa Muqdisho oo la kulmay Guddiga qaban-qaabada Carwada Buugaagta Muqdisho

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng,Yariisoow) oo casho sharaf u sameeyey Guddiga qaban-qaabada Carwada Buugaagta Muqdisho ayaa ku ammaanay dadaalka ay ku bixiyeen qabsoomidda bandhiggan. Guddoomiyaha ayaa uga mahad-celiyey boqolaalka qoreyaasha ah ee dhallinyarada u badanaa, kuwaas oo ka kala yimid guud ahaan gobollada dalka iyo dibaddaba, dadaalka ay bixiyeen, […]

- Advertisement -

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng,Yariisoow) oo casho sharaf u sameeyey Guddiga qaban-qaabada Carwada Buugaagta Muqdisho ayaa ku ammaanay dadaalka ay ku bixiyeen qabsoomidda bandhiggan.

Guddoomiyaha ayaa uga mahad-celiyey boqolaalka qoreyaasha ah ee dhallinyarada u badanaa, kuwaas oo ka kala yimid guud ahaan gobollada dalka iyo dibaddaba, dadaalka ay bixiyeen, isagoona tilmaamay in bandhigga buugaagta Muqdisho uu fursad u noqday maktabado laga qorsheynayo in laga hirgeliyo qaar ka mid ah gobollada dalka.

- Advertisement -

“Kasakow boqollaalkii aqoonyahannada ahaa ee maalmihii la soo dhaafay fursad u helay in ay ka faaiideystan buugaagta aad soo bandhigteen, haddana waxaa ka dhex abuurmay carwada buugaagta Muqdisho qorsheyaal lagu hirgelinayo Maktabadaha magaalooyinka Cadaado iyo Garbahaareey oo boqolaal buugaag ah loogu yaboohay.”

Eng.Yarisow ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay ka shaqeynta sidii loo joogteyn lahaa Carwada Buugaagta Muqdisho, iyadoona dhiiri gelin joogta ah loo sameynayo qalinleyda iyo xarumaha cilmi barista Gobolka.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay ganacsatada Gobolka Banaadir iyo Xarumaha Waxbarashada in ay ka qeyb qaataan baahinta buugaagta lagu soo bandhigay Carwada, si dhalinyarada loogu jiheyo wax qorista iyo wax akhrinta.

- Advertisement -

Latest stories