HomeCaalamkaHantidii ugu badneyd ee lagu kala qaatay rabshadihii kililka 5aad oo la...

Hantidii ugu badneyd ee lagu kala qaatay rabshadihii kililka 5aad oo la isku celiyey

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Wararka ka imaanaya magaalada jigjiga ayaa sheegaya in hantidii lagu kala qaaday muddadii ay shaqaaqooyinku halkaa ka socdeen iminka la isku celiyey.

Sida ay BBC u sheegeen dadka deegaanka, ilaa 190 gaari oo isugu jira noocyo kala duwan ayey dib u soo celiyeen dadkii qaaday, ka dib markii ay sidaa ka dalbadeen culumada iyo odayaasha dhaqanka.

- Advertisement -

Waxaa jira iyaguna gaadiid aan badnayn oo dadkii qaaday ay uga tageen xadadka ay dawlad deegaannadu iska galaan, kuwaasoo laga codsaday milateriga federaalka inay gacan ka gaystaan sidii dib loogu soo celin lahaa.

Saraakiil Jigjiga joogta ayaa iyaguna sheegay in lacago caddaan ah (kaash ah) dib loogu celiyey bankiyada, kuwaasoo la boobay intii ay rabshaduhu socdeen.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa socday olole ay wadeen culumaa’udiinka iyo odayaasha dhaqanka ee Soomaalida oo gacan ka helayey cuqaasha qowmiyadaha kale, waxaana laga shaqaynayey in la isku celiyo wixii hanti ah ee la kala qaaday.

- Advertisement -

Hantidan ayaa la kala qaaday horraantii bishan, ka dib markii uu iska hor imaad dhex maray qaar ka mid ah dadka magaalada Jigjiga iyo askar ka tirsan milateriga, ayadoo rabshadahaas ay markii dambe isu beddeleen kuwo la xakamayn waayey, saamaynna ay ku yeesheen deegaannada kale ee bariga Itoobiya.

Rabshadahaas ayaa aakhiritaankii keenay inuu xilka ka dego madaxweynihii DDSI Cabdi Maxamuud Cumar.

Latest stories