HomeCaalamkaCiidamada DANAB oo Saldhig Weyn ka sameysanaya deegaanada Galmudug

Ciidamada DANAB oo Saldhig Weyn ka sameysanaya deegaanada Galmudug

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Saraakiil ka socotay Dowladda Mareykanka iyo Madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug oo kulan yeeshay ayaa isla gartay in Saldhig Weyn Ciidamada DANAB oo ay tababarto dowladda Mareykanka loogu furo deegaanada Maamulka Galmudug.

Saraakiisha ayaa ka hor kulanka waxaa la geeyey Goob loogu talo galay in Saldhigaas laga dhiso oo ku taalla duleedka degmada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud,iyada oo Saraakiisha howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya(Africom) ka socotay ay sheegeen in la dhisi doono si deg deg ah.

- Advertisement -

Agaasimaha Madaxtooyada Dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Cabdi Gaboobe ayaa sheegay in Saraakiisha ciidamada Mareykanka iyo kuwa Danab iyo Madaxda Galmudug uu hoggaaminayey Madaxa Xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir ay siwadajir ah u sheegeen in saldhigaas la dhiso.

Waxa uu sheegay  in Saldhigaas lagu tababari doono Ciidamo ka tirsan kuwa DANAB qeybtooda Maamulka Galmudug,sidoo kalena halkaas loosoo wareejin doono ciidamada iyo Saraakiisha DANAB ee ku sugan Saldhigga Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Ciidamada DANAB ee xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxaa tababaro iyo dhaqaalaba siiya Mareykanka,iyaga oo Saldhig Weyn ku leh Garoonka Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxana mararka qaar ay fuliyaan weeraro cir iyo dhul ah oo lagu qaado saldhigyo ay leeyihiin Al-Shabaab.

Latest stories