HomeCaalamkaSawirro:-Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Jabuuti

Sawirro:-Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Jabuuti

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah oo labo cisho qaadaneysa ku tagay Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha oo si heersare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Jabuuti ayaa qasriga madaxtooyada dalkaas wadahadallo kula yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

- Advertisement -

Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsaday xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal, kor u qaadista iskaashiga ku aaddan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo guud ahaan qadiyadaha wadajirka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Axmed Cabdi ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu bogaadiyey garab istaagga joogtada ah ee Madaxda iyo Shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ay u fidiyaan Soomaaliya, gaar ahaan xilliyadii adkaa ee uu dalku soo maray.

“Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti kaalintii uu ka geystay nabadeynta iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya. Sidoo kale, Dowladda Jabuuti waxa ay uga mahad-celisay Soomaaliya kaalinta ay ka qaadatay halgankii xorrnimo-doonka dalkaas.” Ayuu yiri Wasiirku.

- Advertisement -

Diblumaasiyiinta Soomaaliya ee qeybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa kulammo la yeeshay dhiggooda dalka Jabuuti, iyagoona isla meel dhigay sidii loo sii amba-qaadi lahaa heshiisyada hore ay u kala saxiixdeen labada dal.

Madaxweynaha waxaa booqashadan ku weheliya, Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Federaalka Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdi Cashuur Xasan, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdulqaadir Axmed Cabdi iyo Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa.

Latest stories