HomeCaalamkaSawirro:-Xukun lagu riday Maamule Iskuul oo Imtixaan u galay Askari ka tirsan...

Sawirro:-Xukun lagu riday Maamule Iskuul oo Imtixaan u galay Askari ka tirsan Ciidanka AMISOM ee jooga Somalia

Date:

Related stories

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Trump oo si qarsoodi ah uga baxay Turkiga kadib hanjabaad Iran ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah uga baxay Turkiga isagoo raacay diyaarad militari oo kale,

Maxkamad ku taala dalka Burundi ayaa xukun ku riddey nin macalin ah, sidoo kalena maamule ka ah iskuul kaas oo la qabtay isaga oo imtixaam u fariistay si uu u malato askari dalkaas u dhashay oo hawlo nabad illaalin u jooga Soomaaliya. Benjamin Manirambona ayaa lagu xukumay 5 sano oo xarig ah, waxaana laga mamnuucay […]

- Advertisement -

Maxkamad ku taala dalka Burundi ayaa xukun ku riddey nin macalin ah, sidoo kalena maamule ka ah iskuul kaas oo la qabtay isaga oo imtixaam u fariistay si uu u malato askari dalkaas u dhashay oo hawlo nabad illaalin u jooga Soomaaliya.

Benjamin Manirambona ayaa lagu xukumay 5 sano oo xarig ah, waxaana laga mamnuucay in uu xafiis dowladeed fariisto muddo 10 sano ah.

- Advertisement -

Ciidamada nabad suggida oo hayay xog hoose ayaa habeenimadii sii tagay mac-hadka farsamada ee Butera ee ku yaala magaalada Bujunbura ku yaala, halkaas oo subaxa xiga uu imtixaamka ka dhici lahaa.

Benjamin oo xiran dharkii ardayda ayaa fariistay imtixaamka, wuxuuna sheegay in uu matalayay askari AMISOM ka tirsan oo doonayay in uu helo buundooyin wanaagsan si uu jaamacad u galo. Askari ayaa ku maqan Soomaaliya sida warbaahintu sheegtay.

Askari ayaa lacag u balanqaaday macalinka haddii uu qish u sameeyo, imtixaamkana u fariisto.

- Advertisement -

Wasiirka waxbarashada Burundi Janvière Ndirahisha oo goobtii ninka laga qabtay la tagay ciidanka dhar cadka ah, ayaa diiday sharaxaadda macalinka, wuxuuna sheegay in aysan ahayn markii koowaad ee uu falkan sameeyo.

Waxaa lala xiray xisaabiyihii iskuulka Eric Nkurunziza iyo macalin Lazard Nihezagire oo min labo sano oo xabsi ah loo direy, shan sanana waxaa laga mamnuucay in ay xafiis dowladeed qabtaan. Waxaa lagu heley in ay qarinayeen falka macalinka.

Ardayda Burundi ee imtixaanaadka u fariista ayaa imtixaamka ku gala iskuulaad aanan ahayn kii ay dhiganayeen, sidaas darteed ayay macalimiinta u aqoonsan waayeen Benjamin oo arday iska soo dhigay.

Latest stories