HomeWarar4 ruux oo ku geeriyootay shil Gaari deegaan ka tirsan Soomaaliland

4 ruux oo ku geeriyootay shil Gaari deegaan ka tirsan Soomaaliland

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Dhimashada Afarta ruux ayaa timid ka dib markii ay shil ku galeen shalay gelinkii dambe gaari ay wateen duleedka Magalada Gibiley,waxana la sheegay in sidoo kale lix Ruux ay shilkaasi ku dhaawacmeen. Gaari nooca Soomaalida u taqaano NOHA ayay la socdeen dadkaas,waxana gaariga ka baxay mid ka mid ah taayaradiisa taas oo keentay in uu […]

- Advertisement -

Dhimashada Afarta ruux ayaa timid ka dib markii ay shil ku galeen shalay gelinkii dambe gaari ay wateen duleedka Magalada Gibiley,waxana la sheegay in sidoo kale lix Ruux ay shilkaasi ku dhaawacmeen.

Gaari nooca Soomaalida u taqaano NOHA ayay la socdeen dadkaas,waxana gaariga ka baxay mid ka mid ah taayaradiisa taas oo keentay in uu wadada ka baxo,sida ay Warbaahinta ka howlgasha deegaanada Soomaaliland u sheegeen in dad ka badbaaday shilkaas.

- Advertisement -

Dadkii ku dhaawacmay shilkaas oo gaaraya ilaa lix ayaa waxaa la geeyey Isbitaalka Magalada Hargeysa si loogu daaweeyo,kuwaas oo qaarkood dhaawacoodu uu culus yahay sida ay sheegeen dhaqaatiirta Isbitaalka Magalada Hargeysa.

Afarta ruux ee shilkaasi ku geeriyootay ayaa kala ahaa laba rag iyo laba Dumar ah,waxaana meydkooda la geeyey Magalada gibiley oo Galbeedkeeda uu shilka ka dhacay.

Dhawaan Wasaaradda Gaadiidka Soomaaliland waxa ay soo saartay amar ku socday darawalada kaas oo ku aadanaa in Gawaarida aysan u wadi Karin si xowli ah, ka dib markii deegaanada Soomaaliland ay shilalka ku soo bateen.

Latest stories