HomeCaalamkaMaamulka Jubbaland oo Warka soo saarey dhacdadii Ciidanka Kenya ku bur buriyeen...

Maamulka Jubbaland oo Warka soo saarey dhacdadii Ciidanka Kenya ku bur buriyeen Xarunta Hormuud

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Golaha Wasiirada Jubbaland oo Warsaxaafadeed ka soo saarey Xaaaladda soo noqnoqotey ee ah burburinta hantida Shirkadda Hurmuud ee Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Xuduudda ee dowlad-goboleedka Jubbaland. Ka dib markii ay shir deg-deg ah is kugu yimaadeen golaha Wasiirada dowlad-goboleedka Jubbaland warbixina looga dhageystay guddi-gii heerka Wasiirro ahaa ee loo xilsaarey inay soo baaraan dhibaatadii ka […]

- Advertisement -

Golaha Wasiirada Jubbaland oo Warsaxaafadeed ka soo saarey Xaaaladda soo noqnoqotey ee ah burburinta hantida Shirkadda Hurmuud ee Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Xuduudda ee dowlad-goboleedka Jubbaland.

Ka dib markii ay shir deg-deg ah is kugu yimaadeen golaha Wasiirada dowlad-goboleedka Jubbaland warbixina looga dhageystay guddi-gii heerka Wasiirro ahaa ee loo xilsaarey inay soo baaraan dhibaatadii ka dhacdey deegaanada ku teedsan xudduuda aan la wadaagno dowladda Kenya.

- Advertisement -

Shirkaan oo uu ka soo qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka 1 aad ahna kusimaha Madaxweynaha dowlad-gobleedka Jubbaland,shirkaas oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Jubbaland ayaa maanta waxaa looga doodey dhacdadii ka dhacdey Tuulada Cali Buuleey ee hoos tagta deegaanka Dhoobley Taariikhdu markii ay ahayd 13/08/2018.

Falanqayn iyo dood dheer ka dib Goluhu waxuu isku raacey Qodobadan  soo socda:-

1: Goluhu waxuu ka xunyahay dhacdada foosha xun ee ka dhacdey deegaanka Cali Buuleey,laguna dhibaateeyay dad aan waxba galabsan ,iyadoo loo geystay khasaaro Naf iyo Maalba leh laguna burburiyay hantida shirkadda Hormuud,iyadoo sidoo kale dhacdadani tahay tii 6-aad ee ka dhacda deegaanada dowlad-goboleedka Jubbaland ee ku teedsan xudduuda  aan la wadaagno dowladda aan dariska nahay ee Kenya.

- Advertisement -

2: Goluhu waxuu Canbaareeyay dadka ku lug leh  arintaan,oo aan xaqiijinay in ay ka soo gudbeen xudduuda aan la wadaagno dowladda Kenya.

3:Dowladd-Goboleedka Jubbaland oo kaashanaysa dowladda Federaalka ee Soomaliya iyo Madaxda deegaanada  Mandheera,Wajeer, iyo Gaarisa waxaan weydiisanaynaa in ciddii ku lug leh arintan Sharciga la horkeeno,lagana qaado Magdhow Naf iyo Maalba leh.

Latest stories