HomeCaalamkaDhageyso:-Guddiga Xuquuqul insaanka Baarlamaanka oo shaaciyey Tacaddi lagu haayo dadka ku jira...

Dhageyso:-Guddiga Xuquuqul insaanka Baarlamaanka oo shaaciyey Tacaddi lagu haayo dadka ku jira Xabsiyada ay Maamusho dowladda

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Guddoomiyaha Guddiga Xaquuqul Insaanka ee Golaha Shacabka Soomaaliya Xaawo Yuusuf Cali ayaa sheegtay in guddigooda ay booqdeen Xabsiyada badan oo ku yaalla  Muqdisho dadna ay ku xiran yihiin,isla markaana ay dhibaatooyin ka jiraan.

Waxa ay sheegtay in Xabsiyada qaarkood loo diiday in ay tagaan,sida Xabsiga godka Jilacoow,hayeeshee qaarkood ay arkeen maxaabiista in ay Xabsiga dhexdiisa ku xanuunsadeen.

- Advertisement -

“Xabsiyadii aan tagnay dhibaatooyin ayaa ka jira kuwana waaba naloo diiday oo looma ogola in xildhibaanada ay tagaan laakin waxaan idiin sheegayaa in ay ka jiraan tacadiyo xabsiyada ay dadka ku xiran yihiin oo ay maamusho dowladda federaalka Soomaaliya ayay tiri Xildhibaan Xaawo Yuusuf Cali.

Iyada oo sii hadleysay ayay sheegtay in Xabsiyada uu ka jiro culeys dhinacyo badan ah,isla markaana ay weli ku jiraan dad lagu iloobay oo aan wax dan ah laga laheyn waa sida ay hadalka u dhigtay.

Marka laga soo tago hadalka Guddoomiyaha Guddiga Xaquuqul Insaanka ee Golaha Shacabka Soomaaliya Xaawo Yuusuf Cali ayaa hadana waxaa mararka qaar jirta Cabasho dadku ay ka keenaan Xabsiyada oo siyaabo kala duwan dadka loogu xiro.

- Advertisement -

Hoos Ka Dhageyso Codka  Guddoomiyaha Guddiga Xaquuqul Insaanka ee Golaha Shacabka Soomaaliya Xaawo Yuusuf Cali.

Latest stories