HomeCaalamkaSawirro:-Wasaaradda Dastuurka oo soo Bandhigtay Cutubyada Dastuurka ee dib u eegista lagu...

Sawirro:-Wasaaradda Dastuurka oo soo Bandhigtay Cutubyada Dastuurka ee dib u eegista lagu sameeyey

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Wasaaadda Dastuurka ayaa soo bandhigtay intii uu kulanka socday cutubyada lagu guuleystay in dib u eegis lagu sameeyo Guddiga joogtada ee Golaha shacabka ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka kula kulmay xubno uu hogaaminaayay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdi Cilmi. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay halka ay marayaan hanaanka dib […]

- Advertisement -

Wasaaadda Dastuurka ayaa soo bandhigtay intii uu kulanka socday cutubyada lagu guuleystay in dib u eegis lagu sameeyo

Guddiga joogtada ee Golaha shacabka ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka kula kulmay xubno uu hogaaminaayay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdi Cilmi.

- Advertisement -

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay halka ay marayaan hanaanka dib u eegista dastuurka, wada shaqeynta guddiyada dastuurka iyo Wasaaradda dastuurka.

Wasaaradda Dastuurka ayaa soo bandhigtay intii uu kulanka socday cutubyada lagu guuleystay in dib u eegis lagu sameeyo iyo kuwa hada ay dib u eegista ku socdaan.

Sidoo kale wasaaradda Dastuurka ayaa soo bandhigtay jadwalka shaqada ee la xiriira howlaha dib u eegista iyo caqabadaha hor taagan in qodobada qaar dib u eegis lagu sameeyo.

- Advertisement -

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dastuurka ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdi Cilmi ayaa sheegay in Wasaarada Dastuurka ay wado dadaaladii ugu dambeeyay ee dib u eegista loogu sameynayo dastuurka.

“Runtii wasaarada dadaal ayay wadaa, golaha shacabka waxaan ka codsanaya in wasaarada dastuurka iyo guddiyada dhisan inaad kala shaqeysaan howlaha culus ee horyaallo, si loogu guuleysto in dastuur loo dhan yahay aan yeelano”. ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaarada dastuurka.

Xubnaha guddiga joogtada ee kulanka ka qeyb galay ayaa wasiir ku xigeenka iyo xubnihii la socday weydiiyay su’aalo ku saabsan cutubyada dib u eegista lagu sameeyay, sidoo kale waxa ay ku biiriyeen talooyinkooda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo kulanka soo xiray ayaa ku dheeraaday muhiimada dastuurka iyo dardar gelinta howlaha dib u eegista.

Guddoomiyaha ayaa wasaarada dastuurka faray iney shaqooyinka ay wadaan sii labada jibaaraan, golaha shacabkana ay usoo gudbiyaan warbixin dhameystiran si waqtiga haray loogu faa’iideysto.

Ugu dambeyn Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in guddiga joogtada ee golaha shacabka uu la xisaabtamayo wasaarada dastuurka iyo guddiyada ku howlan dib u eegista dastuurka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories