HomeCaalamkaSomaliland: Wasiiro iyo shirkado lagu eedeeyay musuqmaasuq

Somaliland: Wasiiro iyo shirkado lagu eedeeyay musuqmaasuq

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Gudiga dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranka ee golaha wakiilada Somaliland ayaa warbixin xasaasi ah oo ay golaha hordhigeen waxay markii ugu horeysay ku eedeeyeen wasiiro hore iyo sharikado gaar loo leeyahay musuqmaasuq mashaariic ay xukuumadda uga fulinayeen gobollada qaarkood.

Guddoomiyaha guddigaas xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire ayaa sheegay in xilligaan ay sameeyeen xisaab xirka Sanadkii 2016,isla markaana ay u soo gaba gaboobeen baaris ay ku hayeen Wasiiro hore iyo Shirkado gaar loo leeyahay.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay in mas’uuliyijntaas ay lunsadeen qandaraasyo loogu talo galay in lagu dhiso,Xabsiyada Magalooyinka Burco iyo Booramo iyo in Roog lagu dhigo Garoonka Kubadda Cagta Boorame sida uu hadalka u dhigay.

In kastoo uusan sirasmi ah u sheegin Magacyada Wasiirada hadana waxa ay ka mid ahaayeen xukuumaddii Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo),hayeeshee uu sheegay in ay weli baaritaanka sii wadi doonaan

Dhinaca kale mas’uuliyiinta la eedeeyey ayaa iyana dhankooda waxa ay sheegeen in guddigu uusan la soo xiriirin,isla markaana waxba ka weeydiin arrintaas balse uu iska eedeeyey.

- Advertisement -

Arrintaan ayaa ku soo aadeysa xilli dowladda Feseraalka Soomaaliya dhankeeda maahaan ay mas’uuliyiin u xir xirtay eedeun la xiriirta musuq maasuq.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories