HomeCaalamkaSawirro:-Afhayeenka Jabhadda ONLF oo gaarey Magalada Adis Ababa

Sawirro:-Afhayeenka Jabhadda ONLF oo gaarey Magalada Adis Ababa

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Magalada Adis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya waxaa Galabta soo gaaray  wafdi uu hoggaaminayey Afhayeenka Jabhadda ONLF Cabduqaadir Hirmooge (Cadaani) Afhayeen Cadaani oo maalmahaan ku sugnaa Magalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa Adis Ababa ku soo dhaweeyey Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Xubno kale. Inta uusan tegin Galabta Adis Ababa ayuu saakey […]

- Advertisement -

Magalada Adis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya waxaa Galabta soo gaaray  wafdi uu hoggaaminayey Afhayeenka Jabhadda ONLF Cabduqaadir Hirmooge (Cadaani)

Afhayeen Cadaani oo maalmahaan ku sugnaa Magalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa Adis Ababa ku soo dhaweeyey Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Xubno kale.

- Advertisement -

Inta uusan tegin Galabta Adis Ababa ayuu saakey waxa uu Magalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya kaga dhawaaqay xabad-joojin dhinacooda ah,maadaama mudo tobaneeyo sanno ah ay dagaal kula jireen dowladda Federaalka Itoobiya.

Inta uu ku sugan yahay Magalada Adis Ababa ayaa waxa uu la kulmi doonaa Madax ka tirsan dowladda Federaalka Itoobiya,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in uu la kulmi doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Tan iyo markii xilka Ra’iiul Wasaaraha Itoobiya uu la wareegay Abiy Axmed ayaa dalka Itoobiya wax uu galay isbedelo siyaasadeed,isaga oo la heshiiyey inta badan mucaaradkii iyo kooxihii ka  soo horjeeday dowladda Itoobiya.

- Advertisement -

Latest stories