HomeCaalamkaHantidii lagu boobay rabshadihii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo la celiyey

Hantidii lagu boobay rabshadihii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo la celiyey

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Guud ahaan magaalooyinkii qalalaasuhu ka dhacay 4 bishan August iyo maalmihii ka dambeeyey ayaa haatan xasiloon. Waxaanay wararku intaa ku darayaan in ay duulimaadyadii diyaaradaha ee u kala socdaali jiray Jigjiga iyo Addis Ababa iyaguna horrantii todobaadkan dib u bilaabmeen.

Meelihii kale ee dhibaatooyinku ka dhaceen waxa ka mid ahayd magaalada Godey oo dadkii deganaa ee aan Soomaalida ahayn ganacsigoodii la boobay. Dhibtaas oo la sheegay inay geysteen dhalin yaro mudaharaadayey oo sida la sheegay ka careysnaa xiisaddii ka aloosantay magaalada Jigjiga ee xarunta Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

- Advertisement -

Hadba waxa maalmahan socday dedaal ay wadeen xubno ka tirsan Golaha Sare ee Islaamka Itoobiya xafiiskiisa Godey oo waday waano iyo wacyi gelin ay ku daminayeen xaaladdii taagnayd. Waxaanay sidoo kale isku hawleen in ay u soo celiyaan dadka qawmiyadaha kale ka tirsan wixii hanti ah ee laga dhacay.

Shariif Cabdifataax Shariif Cumar oo ka tirsan gudida arintaa isku xil qaantay ayaa sheegay in ujeedadoodu ahayd xasilinta deegaanka iyo in aanay abuurmin colaad dhex marta qoomiyadaha Itoobiya.

Shariif Cabdifataax oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ay ku guulaysteen in ay ilaa haatan boqolkiiba sideetan u soo celiyaan dadkii la dhacay hantidii ka maqnayd. Waxaanu ugu baaqay shacabka deegaankaas Soomaalida Itoobiya ku dhaqan in ay ilaaliyaan nabad gelyada oo aanay ku daydaan tallaabada ay qaadeen dadka reer Godey oo ay isku dumaan dadka xiisaddu kala geysay.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories