HomeCaalamkaIsbitaalka Magalada Jigjiga oo ku dhow in uu xirmo ka dib...

Isbitaalka Magalada Jigjiga oo ku dhow in uu xirmo ka dib…

Date:

Related stories

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...
- Advertisement -

Magaalada Jigjiga waxaa gelinkii dambe ee Arbacadii soo gaaray koox dhakhaatiir ah oo ka kooban ilaa iyo dhowr iyo toban dhakhtar, kuwaasoo qaba takhasusyo kala duwan.

Waxaa socdaalka ku wehliyey tiro intaas oo kale ah oo kalkaaliyeyaal ah, waxaana marka la isku daro lagu qiyaasay ilaa soddomeeyo inay gaarayaan.

- Advertisement -

Waxay ka kala socdeen seddex isbitaal oo ku yaalla Addis Ababa oo kala ah Duqur Ambasa Hospital, Police Hospital iyo Yakatit Hospital.

Kooxdaas caafimaadka oo uu hogaaminayey Dr Berhanu Negaye waxay Khamiistii ilaa iyo maanta oo sabti ah ku sameeyeen ilaa 29 qalliin oo kala duwan isbitaalka Meles Zenawi Referral Hospital ee magaalada Jigjiga, halka ay qiyaastii ku dhawaad ilaa boqol qof oo kale oo dhaawacyo iyo xanuunno qabana daweeyeen.

Waxaa kaloo dhakhaatiirta ka mid ah qaar ku xeeldheer cilmi nafsiga, oo dadka ka daweeya xanuunnada ka dhasha welwelka iyo isla hadalka.

- Advertisement -

Waxay dadka ku dhiirri galiyeen inay isbitaalka yimaadaan oo ay ka faa’iidaystaan daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah.

Hase yeeshee Dr Negaye oo ka mid ah dhakhaatiirta xagga qalliinka safka hore kaga jira dalka Itoobiya wuxuu ka dardaar weriyey dawada oo isbitaalka gabaabsi ku ah, iyo shaqaalihii ka shaqayn jiray oo aan soo wada laaban.

Xaaladda magaalada Jigjiga ayaa yara dhaanta sidii ay ahayd maalmo ka hor, markaasoo rabshado iyo gacan ka hadal halkaa ka dhacay ay galaafteen nolosha in ka badan 10 qof, hantina ay ku burburtay, halka tiro aad u badan oo dad ahna ay ku dhaawacmeen.

Rabshadaha ayaa ku faafay deegaanno kale walow ay markii dambe degeen, waxayna horseedeen inuu xukunka ka dego madaxweynihii DDSI, Cabdi Maxamuud Cumar.

Isbitaalka Meles Zenawi Referral Hospital aya ah kan ugu weyn bariga Itoobiya, wuxuuna qayb ka yahay jaamacadda Jigjiga.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories