HomeCaalamkaHormuud oo si kulul uga jawaabtay maqaal lagu qoray Majaladda Foreign Policy

Hormuud oo si kulul uga jawaabtay maqaal lagu qoray Majaladda Foreign Policy

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Warbixin talaadadii lagu daabacay majaladda Mareykanka laga leeyahay ee Foreign Policy ayaa lagu magac dhabay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud. Ujeedka warbixinta kuma qotomin howlaheeda laakin waxaa loo soo qaatay tayo xumada isku dubaridnaan la’aanta xoogagga qaranka Soomaaliya ee SNA. War-saxaafadeed ay maanta soo saareen shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayey si kulul ugu beeniyeen sheekada lagu xigtay maqaalkaas. […]

- Advertisement -

Warbixin talaadadii lagu daabacay majaladda Mareykanka laga leeyahay ee Foreign Policy ayaa lagu magac dhabay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud. Ujeedka warbixinta kuma qotomin howlaheeda laakin waxaa loo soo qaatay tayo xumada isku dubaridnaan la’aanta xoogagga qaranka Soomaaliya ee SNA.

War-saxaafadeed ay maanta soo saareen shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayey si kulul ugu beeniyeen sheekada lagu xigtay maqaalkaas.

- Advertisement -

“Hormuud waxa ay aad uga xun tahay maqaalkii dhawaantan ee Majaladda Foreign  Policy ee uu qoray Amanda Sperber, cinwaankiisuna ahaa ‘Soomaaliya waa dal aan ciidan lahayn’ kaasi oo uu qoraagu isku dayay in uu magac dilo astaanteenna tayo iyo adeegyadeenna” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka oo ku qornaa Af Ingiriis.

Bayaanku waxa uu intaas ku daray, “Hormuud waxa ay aad ugu faaneysaa doorka  togan oo ay sii wado, kaasoo ah isku xirka dadka Soomaaliyeed dal iyo dibadba..waxa aan bixinnaa adeegyo isgaarsiineed oo tayo leh laguna kalsoonaan karo, oo si sharci ah ay u helaan dadka Soomaaliyeed, dowladda iyo ciidamada qalabka sida.”

“Waxa aan sidoo kale ku faaneynaa adeegyadeenna sugan ee aan u qabanno hay’adaha caalamiga ah ee noo ogolaaday in aan noqonno shirkadda Isgaarsiinta ugu horreysa wadanka” ayuu sheegay bayaanka.

- Advertisement -

War-saxaafadeedka oo usoo daadagay sheekada lagu qoray Foreign Policy, ayaa ku nuuxnuuxsaday. “Eedeynta maqaalka ee ah Alshabaab ayaa saameyn mug leh ku leh si ay ugu xiriiraan marka uu dagaal jiro waa dacaayad aan sal lahayn, kana hor imaaneysa qiyamkeenna aasaasiga ah.”

Bayaanka ayaa lagu soo gabagabeyay, “Hormuud waxa ay soo dhaweyneysaa warbaahin walba oo dooneysa inay wax ka ogaato ganacsigeenna iyo taariikhda aan ku faaneyno ee ku dhisan Isku kalsoonaan, mas’uuliyad iyo adeeg-inay nagu soo booqdaan Soomaaliya intii ay dibadaha ka sameyn lahaayeen warbixinno ceebeyn ah.”.

Maqaalka Foreign Policy ee cinwaankiisu ahaa ‘Soomaaliya waa dal aan ciidan lahayn’ ayaa magaca Hormuud lagu xusay tuduca afaraad.

Waxa uuna u qornaa, “Kadib tobaneeyo sano oo kaligii taliye ka arriminiyay, shirqoollo shisheeye oo guuldarreystay, dagaallo sokeeye iyo kacdoonno hubeysan, Soomaaliya kama jirto maalgelin ku filan oo ay ku maareyso agabka muhiimka u ah ciidamada sida Fooneeyaha iyo Agabka difaaca. Xoogagga qaranka Soomaaliya waxa ay isticmaalaan telefoonada gacanta-ee Hormuud, taasoo leh suuq si ballaaran loo wadaago, oo ay saameyn mug leh ku leeyihiin Alshabaab-si ay ugu xiriiraan marka uu dagaal jiro. Qaar bandanna waxa ay ku howlgalaan Halow-halow”.

Latest stories