HomeMaqalDhageyso:-Ganacsiga Suuq Boocle oo weli xiran iyo banaanbax ka dhacay Suuqaas

Dhageyso:-Ganacsiga Suuq Boocle oo weli xiran iyo banaanbax ka dhacay Suuqaas

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Weli waxaa xiran Suuqa Ganacsiga ee suuq boocle oo ku yaalla degamda Dharkenley ee Gobolka Banaadir, ka dib markii Ganacsatadu ay sheegeen in lagu soo rogay lacago xadhaaf ah oo aysan bixin Karin. Ganacsatada ayaa waxa ay sheegeen in Goobaha Bakhaarada ah ee Suuqaasi ku yaalla lagu amray dadka inay bixiyaan lacag dhan $1,000 (Kun […]

- Advertisement -

Weli waxaa xiran Suuqa Ganacsiga ee suuq boocle oo ku yaalla degamda Dharkenley ee Gobolka Banaadir, ka dib markii Ganacsatadu ay sheegeen in lagu soo rogay lacago xadhaaf ah oo aysan bixin Karin.

Ganacsatada ayaa waxa ay sheegeen in Goobaha Bakhaarada ah ee Suuqaasi ku yaalla lagu amray dadka inay bixiyaan lacag dhan $1,000 (Kun doolar) halka goobaha ganacsiga ee caadiga sida dukaamada lagu amray inay bixiyaan lacag dhan $500 oo doolar,isla markaana taasi aysan awoodin.

- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan Maamulka degmada Dharkenley ayay sheegeen in ay ku amreen in ay xiraan goobaha Ganacsi,iyaga oo xiray qaar ka mid ah Ganacsatada.

Qaar ka mid ah Ganacsatada ayaa sidoo kale waxa ay dhigeyn banaanbax cabasho ah maadaama Goobahooda Ganacsiga oo ay nolol maalmeedkooda ka raadsan jiraeen uu Maanta ka xiran yahay.

Ganacsatada qaarkood ayaa waxa ay inoo sheegeen in haatan wadahadal ay u socdaan Maamulka degmada,isla markaana ya rajeynayaan in xal kama dambeys ah la gaaro.

- Advertisement -

Hoos Ka Dhageyso Codka qaar ka mid ah Ganacsatada.

Latest stories