HomeCaalamkaRag Soomaali ah oo lasoo taagay maxkamad ku taala London

Rag Soomaali ah oo lasoo taagay maxkamad ku taala London

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Labo nin ayaa loo maxkamadeeyay falal waxa loogu yeero argagixisada oo loo heysto, taasoo qeyb ka ah baaritaanno hadda ka socda magaalada London ee waddanka Britain. Axmed Aweys, oo 32 jir ah, daganna xaafadda Redbridge ee bariga London iyo Cabdicasiis Cumar Muunye, oo ah 26 jir daggan Waqooyiga London ayaa goor dambe kasoo hor muuqan […]

- Advertisement -

Labo nin ayaa loo maxkamadeeyay falal waxa loogu yeero argagixisada oo loo heysto, taasoo qeyb ka ah baaritaanno hadda ka socda magaalada London ee waddanka Britain.

Axmed Aweys, oo 32 jir ah, daganna xaafadda Redbridge ee bariga London iyo Cabdicasiis Cumar Muunye, oo ah 26 jir daggan Waqooyiga London ayaa goor dambe kasoo hor muuqan doona garsoorka maxkamadda Westminster.

- Advertisement -

Mr Aweys ayaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan fidinta howlo argagixisanimo oo shacabka lagu faafiyo halka Mr Munye isagana maxkamadeyntiisa ay waafaqsantahay qodobka 2-aad ee xeerka la dagaallanka loogu yeero argagixisada.

Maxkamadeynta raggaan ayaa timid ka dib markii afar ruux lagu soo qabtay howlgallo baaritaanno ah oo ay booliska sameeyeen.

Haweeney 30 sano jir ah oo talaadadii loo xiray shaki la xiriira argagixisanimo ayaa wali ku jirta gacanta ciidanka booliska.

- Advertisement -

Nin kale oo 29 jir ah oo degan bariga London, oo isagana xabsiga loo taxaabay 18-kii bishii April ayaa ilaa iyo hadda u xiran booliska oo baaritaanno ku haya.

Latest stories