HomeCaalamkaFaarax Xaashi oo dowladda Imaaraadka ku ganaaxday in uu bixiyo 46,000 oo...

Faarax Xaashi oo dowladda Imaaraadka ku ganaaxday in uu bixiyo 46,000 oo Dollar

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Qoyska nin Britain u dhashay oo dalxiise ahaa ayaa sheegay wiilkoodu lagu qasbay in uu Dubai sii jooga ka dib markii xawaaraha gaari uu waday awgeed loogu ganaaxay 46,000 oo doolarka Maraykanka ah.

Faarax Xaashi oo 25 jir ah ayaan awoodin in uu iska bixiyo ganaaxaas, sida uu walaalkii sheegay.

- Advertisement -

Qolada uu Xaashi ka kiraystay gaariga Lamborghini Huracán ayaa wargeyska The National u sheegay in ay ka sii hayeen baasaboorkiisa.

Balse walaalkii Adman oo 50 jir ah ayaa sheegay in baasaboorkiisa laga qaaday ka dib markii uu waday gaarigan 155,000 ee gini la siiyo.

Xaashi ayaa la sheegay in uu jabiyay xeerkii xawaaraha ee u dajisnaa mid ka mid ah waddooyinka ugu mashquulka badan Dubai, isga oo waliba tobannaan jeer khaladkaas ku celceliyay saacadihii hore ee Talaadadii.

- Advertisement -

Ganaaxa guud ayaa noqday 175,000 oo dirham oo u dhiganta $47,600 doolarka Maraykanka ah.

Wuxuu jabiyay xeerkii xawaaraha ee waddada Sheikh Zayed Road isaga oo gaariga ku kaxeeyay 240km saacaddii.

Adman Xaashi ayaa sheegay “in ay huteelka ugu yimaadeen ayna waydiisteen baasaboorkiisa ka dib markii uu u soo dhacay tikitka ganaaxa, uuna sidaa ku bixiyay baasaboorkiisa isaga oo cabsanaya.

“Hadda waxay leeyihiin waxaa waajib ah in uu bixiyo 40,000 oo giniga istarlinka ah waana arrin qaab daran. Ma haysto lacagtaas. Shaqo la’aan ayuu ahaa, Dubai wuxuu ku booqday saaxiibbadii.

Wuxuu sheegay in walaalkii uu lacag amaahday si uu uga bixiyo maalmaha dheeraadka ah ee uu hotelka dagan yahay, qoyskiisuna aysan ogayn inta uu halkaas sii joogi doono.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories