HomeCaalamkaMasuul ka tirsan dowladda Somalia oo is casilay

Masuul ka tirsan dowladda Somalia oo is casilay

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Xoghayihii Joogtada ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraaynta Masiibooyinka Maxamed Cumar Macalin ayaa iska casilay xilkii wasaaraddaasi sida ay macluumaad ku heshay idaacadda VOA Somali.

Warqadda is casilaadda oo ay heshay idaacadda VOA ayaa agaasimuha ku sheegay inuu isku casilay duruufo adag oo u saamixi waayey inuu sii wato shaqadii uu u hayey wasaaradda iyo xukuumadda federaalka darteed.

- Advertisement -

Nooca duruufaha adag ayaan lagu faahfaahin warqadda is casilaadda.

Warar ay heeshay idaacadda VOA Somali ayaa sheegayaan in is casilaaddan ay la xiriirto kiis dhowaan ka dhacay wasaaradda oo lagu xiray Daahir Maxamed Nuur oo ahaa Agaasimihii Waaxda Dib-u-Dejinta Barakacayaasha oo haatan ku jira xabsi kadib markii dawladda Soomaaliya ku eedaysay “xatooyo xoolo dadweyne” sida lagu baahiyey warbaahinta rasmiga ah ee dawladda Soomaaliya.

Xigasho Voa.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories