HomeCaalamkaKumanaan Qaxooti Soomaali ah oo laga daad gureeyay dalka Yeman

Kumanaan Qaxooti Soomaali ah oo laga daad gureeyay dalka Yeman

Date:

Related stories

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

U qeybsanaha Qaraamada Midoobay ee Arrimaha Qaxootiiyada Aduunka ayaa Talaadadii shalay aheyd  shaaca ka qaaday in lagu guulaystay in 2000 qof Soomaali ah laga daadgureeyo dalka Yeman iyadoo laga dejiyay Dekedda magaalada Berbera. Warku wuxuu intaa ku daray in daadgureynta dadkaasi oo aheyd mid mutadawacnimo ah ay iska kaashadeen Hay’adda Socdaalka Aduunka , Maamulayaasha dalka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

U qeybsanaha Qaraamada Midoobay ee Arrimaha Qaxootiiyada Aduunka ayaa Talaadadii shalay aheyd  shaaca ka qaaday in lagu guulaystay in 2000 qof Soomaali ah laga daadgureeyo dalka Yeman iyadoo laga dejiyay Dekedda magaalada Berbera.

Warku wuxuu intaa ku daray in daadgureynta dadkaasi oo aheyd mid mutadawacnimo ah ay iska kaashadeen Hay’adda Socdaalka Aduunka , Maamulayaasha dalka Yeman iyo kuwa Soomaalida.

- Advertisement -

Afhayeen ku hadlayay Magaca Hay’adda Qaxootiga Aduunka  ayaa shir jaraa’id oo lagu qabtay Dekedda Cadan oo lagu ambabixinayay qeybtii ugu dambeysay ee qaxootigaasi Soomaaliyeed ka sheegay in Dekedda Berbera uu ku xirtay markab siday 116 Qaxooti Soomaali ah wuxuuna intaa raaciyay in howshaasi daadgureynta ah uu qeyb  ka yahay Barnaamijka Hay’adda Qaxootiga Aduunka (UNHCR)  ay ku saacidayso sidii dadka dalkooda dib uga laaban lahaayeen dhaamaanba Somaalida ku sugan Yeman siiba meelaha ay dagaaladu ka socodaa.

Wuxuuna intaa raciyay in  dalka Yeman ay ku harsan yihiin 270.000 Qaxooiiti ah oo 256 ka mid ah ay ahaayeen Soomaali kuwaasoo dhamantood saamey weyn ku yeeshay dagaalada ka socoda dalkaasi Yeman oo colaadu la degtay.

Wuxuu kaloo sheegay in Qaxootiyada  weli ku harsan Yeman cidii dalkeeda dib ugu laabanaysa kana mid ah qaxootiyada weli ku sugan Yeman ay hay’addu diyaar ula tahay kaalmo bini’aadanimo loona fidinayo tashiilaadka ay u baahan yihiin.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts