HomeCaalamkaDowladda Jabuuti oo Warka soo saartay muwaadiniin laga dilay

Dowladda Jabuuti oo Warka soo saartay muwaadiniin laga dilay

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

War-Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka Jabuuti ayaa waxaa looga hadlay muwaadiniin dalkaasi u dhashay oo lagu dilay Gudaha Magalada Diridhaba ee dowlad deegaanada soomaalida Itoobiya.

War-Saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Jabuuti ay ka xun tahay dhibaayooyinka loo geystay muwaadiniinteeda ku sugan Magalada diridhaba,isla markaana saameyn ku yeeshay rabshadaha ka dhacay Magaladaas.

- Advertisement -

“Xukuumadda Jabuuti waxa ay cambaareyneysaa rabshadihii ka dhacay wadanka itoobiya gaar ahaan dhibaatoyinka loo geystay dadka reer Jabuuti oo u xagaay baxay Diridhaba,ka dib falalka dhagarta ah ee ka dhacay dalka itoobiya Madaxda Dowladda Jabuuti,waxay la xiriirtay madaxda dalkaas si loo xaqiijiyo amniga muwaadiniintena ku sugan dalkaas.

Sidoo kale war-Saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in wax saameyn ah aysan ku yeelan doonin xiriirka labada dal rabshadaha ka soo cusboonaaday Magaalooyinka Waaweyn  ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Gaba gabadii ayaa dowladda Jabuuti waxa ay ku wargelisay muwaadiniinteeda ku sugan magalada diridhabe in ay ka fogaadaan goobaha ay rabshadaha ka dhacayaan,isla markaana dhawaan ay bilaabi doonaan daadgureynta dadka ku sugan Magalada diridhaba.

- Advertisement -

Latest stories