HomeCaalamkaSawirro:-Ololaha Isxilqaan oo Todobaadkii labaad ka socda Muqdisho

Sawirro:-Ololaha Isxilqaan oo Todobaadkii labaad ka socda Muqdisho

Date:

Related stories

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...

Mogadishu sees lull in fighting after mediation

Clashes between Somali government forces and opposition-aligned groups in...

Police say no protest allowed as fighting erupts in Mogadishu

Police in Somalia's capital Mogadishu said security forces were...
- Advertisement -

Olalaha Isxilqaan ee 26-kii Luuliyo uu ku dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo ayaa Jimcihii labaad oo xiriir ah ka socda magaaladda Muqdisho, waxaana saakay degmooyinka qaar ee Gobolka Banadir isugu soo baxay boqollaad dadweyne ah oo fulinaya codsigii Madaxweynaha ee ahaa in saacadaha todobaadkii labo saac iyo bar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ay qabtaan shaqo Isxilqaan ah oo dalka dib loogu dhisayo.

Dadka saaka isu soo baxay ayaa ka shaqeynayay bilicda magaalada, iyaga oo hawl nadaafadeed ka qabtay waddooyinka muhiim ka ah ee Muqdisho, qaar ka mid ah dadkaas oo la hadlay SONNA ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay dalkooda dib u dhiskiisa iyo hormarkiisa ay waqtigooda galiyaan.

- Advertisement -

Maamulka iyo shaqaalaha Madaxtooyada qaranka ayaa ka mid ah ahaa dadka saaka ka qeyb galay Ololaha Isxilqaan ee ka dhacay degmada Warta-nabadda, Aamino Siciid Cali Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada oo SONNA la hadashay ayaa sheegtay in maamulka iyo shaqaalaha Madaxtooyadu ay todobaadkii labaad ka qeyb qaadanayaan Ololaha Isxilqaan.

“Shaqaale iyo maamulba innaga oo fullineyna soo jeedintii Madaxweynaha ayaan u taagannahay todobaadkii labaad in ay ka qeyb qaadanno Isxilqaan, waxaana ku boorinayaa qof walba oo muwaadin ah in uu kaalintiisa muujiyo oo aan u midowno sidii dalkeena aan u hormari lahayn” ayay tiri Aamina Siciid Cali Agaasime Kuxigeenka Maamulka ee Madaxtooyada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhammaadkii bishii Luuliyo ka codsaday Shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan isku xirnaan oo ay u istaagaan dib u dhiska dalka, waxa uuna ku dhawaaqay Ololaha Isxilqaan oo la doonayo in dib loogu dhiso goobaha danta guud, laguna hormariyo wadanka.

- Advertisement -

Latest stories