HomeMaqalDhageyso:-Shirkada Diyaaradaha National Airweys oo bilaabeysa duulimaadyada Muqdisho iyo Adis Ababa

Dhageyso:-Shirkada Diyaaradaha National Airweys oo bilaabeysa duulimaadyada Muqdisho iyo Adis Ababa

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Shirkada Diyaaradaha National Airweys oo horay uga Shaqeyn jirtay Gobolada qaar ee Soomaaliya  ayaa markii ugu horeysay waxa ay bilaabeysaa duulimaadyo toos ah ee Muqdisho iyo Adis Ababa. Madaxda Shirkadaas ayaa waxa ay sheegeen in 10-Bishaan ay Diyaarada toos u bilaabi doonto duulimadyadeeda Muqdisho iyo Adis Ababa taas oo baahi weyn ay ka taagneyd. Agaasimaha […]

- Advertisement -

Shirkada Diyaaradaha National Airweys oo horay uga Shaqeyn jirtay Gobolada qaar ee Soomaaliya  ayaa markii ugu horeysay waxa ay bilaabeysaa duulimaadyo toos ah ee Muqdisho iyo Adis Ababa.

Madaxda Shirkadaas ayaa waxa ay sheegeen in 10-Bishaan ay Diyaarada toos u bilaabi doonto duulimadyadeeda Muqdisho iyo Adis Ababa taas oo baahi weyn ay ka taagneyd.

- Advertisement -

Agaasimaha Shirkadaas qeybta Soomaaliya Xuseen Xoosh ayaa sheegay in Aas-aaska shirkadaas ay timid ka dib baahi weyn oo dhinaca Socdaalka Afrika ah oo jirtay,isla markaana Gobolka uu isku-furmay.

Waxa uu sheegay in todobaadkii ay sameyn doonto duulimaadyo Muqdisho ilaa Adis Ababa,sidoo kalena ay horay uga Shaqeyn jireyn Magalooyinka Hargeysa iyo Garoowe balse duulimaadyada tooska ee Muqdisho iyo Adis Ababa ay tahay mid Cusub.

Waxaa la weeydiiyey Su’aal aheyd sababta ay ugu suurtagashay in ay helaan duulimaadyadasi tooska ah maadaama ay jireyn Shirkado farabadan oo dadaal ku bixiyey laakin aysan u suurtagelin ayaa waxa uu ku jawaabay.

- Advertisement -

“Waxyaanaha noo suurtageliyey ayaa waxa ay tahay in ay Shirkadu ay leeyihiin Ganacsato dalka u dhashay oo Soomaali ah iyo kuwo kale oo Ajnabi ah,oo dalka maalgashanaya,waana heshiisyo horay loo wada gaaray taas oo keentay baahi jirtay,shirkadeenana ma ahan mid ku lug leh siyaasad laakin waa mid Ganacsi ayuu yiri Agaasime Xuseen Xoosh.

Duulimaadyada Tooska ah ee Muqdisho iyo Adis Ababa oo mudo dhowr Sano ah aan la helin oo ay bilaabeyso Shirkada Diyaarada National Airweys ayaa waxa ay noqoneysaa mid fududeyneysa dhibaatooyin badan oo lagu qabay socdaalka Muqdisho iyo Adis Ababa.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Agaasimaha qeybta Soomaaliya ee Shirkada Diyaarada National Airweys.

 

Latest stories