HomeCaalamkaAkhriso:-Muhiimada Kulan dhexmaray Wasiirrada arrimaha dibedda Turkiga iyo Maraykanka

Akhriso:-Muhiimada Kulan dhexmaray Wasiirrada arrimaha dibedda Turkiga iyo Maraykanka

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Trump oo si qarsoodi ah uga baxay Turkiga kadib hanjabaad Iran ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah uga baxay Turkiga isagoo raacay diyaarad militari oo kale,

Dhul-gariir 7.4 Ah Oo Burburiyay Cathedral-ka Manizales

Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 7.4 ayaa ku dhuftay Colombia, iyadoo magaalada Manizales laga soo sheegay burbur iyo waxyeello soo gaartay Cathedral taariikhi ah.

Wasiirka arrimaha dibedda Dalka Turkiga, Mevlut Cavusoglu ayaa dhiggiisa Maraykanka , Mike Pompeo kula kulmay Maanta oo Jimca ah Dalka Singapore , sida laga soo xigtay Ilo wareedka ku dhow kulanka. Kulanka Labada masuul ayaa dhacay markii ay isku arkeen shirka Ururka iskaashiga waddamada Koofur Bari Eeshiya oo halkaasi ka dhacaya, waxaanay Labada dhinac isku […]

- Advertisement -

Wasiirka arrimaha dibedda Dalka Turkiga, Mevlut Cavusoglu ayaa dhiggiisa Maraykanka , Mike Pompeo kula kulmay Maanta oo Jimca ah Dalka Singapore , sida laga soo xigtay Ilo wareedka ku dhow kulanka.

Kulanka Labada masuul ayaa dhacay markii ay isku arkeen shirka Ururka iskaashiga waddamada Koofur Bari Eeshiya oo halkaasi ka dhacaya, waxaanay Labada dhinac isku Af-garteen in Mareykanka iyo Turkiga si dhow ugu shaqeeyaan xallinta khilaafaadka u dhexeeya.

- Advertisement -

Labadan Wasiir, ayaa Maalmihii iyo Saacadihii ugu dambeeya ku wada hadlayay Khadka Taleefoonka, iyagoo daneynaya inay ka wada xaajoodaan xurgufta siyaasadeed ee soo kala dhex gashay Labada Dowladood ee Turkiga iyo Maraykanka.

Wasiirka arrimaha Dibedda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu, ayaa sheegay in isaga iyo Pompeo, ay ka wada haldeen in ay si hoose u dhammaystaan xurgufta iyo inay isla meel dhigaan tallaabooyinka wada jirka ah ee Labada Dal kaga aaddan xaaladda Suuriya.

Xiisadda Labada Dal ayaa timid markii ay Dowladda Maraykanka cuna qabatayn kusoo rogtay Wasiirka Caddaaladda Dalka Turkiga C/xamiid Guul iyo Wasiirka arrimaha gudaha Suleymaan soylu, kuwaas oo la sheegay in ay door muhiim ah ku lahaayeen xarigga Andrew Burunson, oo ah baadari u dhashay Dalka  Maraykanka.

Latest stories