HomeMaqalDhageyso:-Wabiga Shabeelle oo fatahaad horleh sameeyey & dad ka barakacay

Dhageyso:-Wabiga Shabeelle oo fatahaad horleh sameeyey & dad ka barakacay

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Wabiga Shabeelle ayaa waxa uu fataad ku sameeyey deegaano iyo tuulooyin hoos yimaada Degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ,iyadoo uu sababay khasaaro maal.

Waxaa la sheegay in fatahaada Wabiga uu khasaaro xoog leh gaarsiiyay dadkii daganaa deegaanada uu fatahaada ku sameeyay wabiga ,iyagoo dadka qaarkood  sheegeen  in dalagii beerahooda uu saameeyey.

Qof ka mid ah Dadka Deegaanka oo la hadlay Dalsan ayaa waxaa uu sheegay in biyo xoogleh uu hadda  wado Wabiga Shabeelle,isla markaana  ay ka barakaceyn guryihii ay daganaayeen,sidoo kalena Barakac hor leh hadda ay sameynayaa dadkii yaraa oo ku haray deegaanada uu ka fatahay  wabiga

Degaanada laga barakacay waxaa ka mid ah Farbarako, Busle, Buulo faarax cubeeyd,  Damaleey, Buulo fatma dhuxul , kuwaasoo hoos yimaada degmada balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ugu dambeyn waxa uu  baaq u diray  Maamulka Degmada Balcad  ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, Dowlada Federaalka Soomaaliya,Hay’adaha Sama falka ah iyo kan Maamulka Hirshabeelle.

Wabiga Shabeelle ayaa fatahaad aad u daran waxa uu ka sameeyey bilihii la soo dhaafay  Deeganada uu maro ee Gobolada Hiiraan ,Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelada Hoose,waxaana khasaaro ay ka soo gaartay fatahaada Wabiga dadka danta yar ee ku nool deegaanadaasi.

Hoos Ka Dhageyso Qof ka mid ah dadka deegaanada uu ka fatahay Wabiga oo ay wareysatay Wariyaheena Farxiyo Muraad.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories